Sida laga soo xigtay saraakiisha Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistaan oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegaya in dowlada Ruushka ay si qarsoodi ah u hubeyso kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalka Afghanistan.

Warkan la shaaciyey Isniintii ayey beenisay dowlada Ruushka oo sheegtay in xidhiidhka kaliya ee ay la leedahay Talibanka ku kooban yahay waan waanta ay ka dhex wado kooxdaasi iyo dowlada Afghanistan, waa sida lagu sheegay war kasoo baxay Ruushka.

 Gen.James Mattis, Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka oo booqasho ku tagay magaalada Kabul ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo eedeynta loo jeedinayo Ruushka, balse wuxuu sheegay in hadii ay rumowdo arrintan ay tahay mid ka hor imaneysa shuruucda caalamiga ah.

Ruushka ayaa dhamaadkii qarnigii hore ku jabay dagaalkii Afghanistan kadib markii xoogaga dalkaasi ka dagaalamayey oo gacan ka helayey Maraykanka ay uga itaal roonaadeen dagaalkaasi muddada dheer socday.

Maraykanka ayaa hada tuhunsan in Ruushka uu taageerada Taliban uga aargudanayo jabkii horey uga soo gaadhay wadankaasi. Ruushka ayaa la sheegayaa inuu hubka fudud siiyo Talibanka oo dardargeliyey dagaalka ay ka wadaan gobalada koonfurta Afghanistan ee Helmand, Kandahar iyo Uruzgan.

 

Dhinaca kale waxaa Isniintii Iscasilay Wasiirka Gaashaandhiga Afghanistan Abdullah Habibi iyo Taliyihii guud ee ciidamada Qadam Shah Shahim. Madaxda sare ayaa is casilaadooda timid kadib weerarkii Talibanka ku qaaday Saldhig militarigu leeyahay oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 130 askari.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay