Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha jaaliyada Ogadenya Gauteng ee wadanka Koonfur afrika ayaa ka dhacay isla Gauteng shirkan oo ah mid bishiiba mar ay qabsadaan xubnaha ayaan maanta oo ay taariikhdu ku beegnayd 25/4/2017 qabsoomay waxaana ugu horaynba lagu furay wacdi diini ah kaasoo uu soo jeediyay Hogaanka Arimaha Diinta ee faraca Gauteng.

Intaa kadib waxaa Madasha Shirka Warbixin waafi ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Gudoomiyaha Gauteng ee jaaliyada ogaadeeniya Koonfur Afrika.

Waxaa sidoo kale qudbado miisaan leh Shirka kasoo jeediyay qaar kamida maamulka iyo Xubnaha kulanka soo xaadiray.

Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen inta badan Xubnaha Faraca ayaa kusoo dhamaan Guul iyo jawi farxadeed oo aad udagan.

ONA/k.Afrika.

 

     

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay