Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay gabi ahaanba cuntadii kasoomeen maxaabiistii kujirtay jeelka wayn ee Qaalati kaas oo kamid ah jeelasha ugu iqaabta badan ee kuyaalada wadanka Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelay Jeelka Qalati oo ah xabsiga lagu iqaabo dadka siyaasada loohaysto ayaa sida lasheegayo sare looqaaday iqaabtii lagu hayay maxaabiista Jeelka kuwaas oo sida lasheegay dhamaantood ah dad siyaasiyiin ah.

Wrrka ayaa intaas kudaraya in 18 kamid ah maxaabiista jeelka Qalati ay cuntadii kasoomeen, dhamaan ragan cuntada kasoomay ayaa lasheegayaa in ay yihiin siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan asxaabta wadanka iyo jabhadaha gobonimo doonka ah ee kukacsan taliska wayaanaha.

Maxaabiista cuntada kasoontay ayaa lasheegayaa in ay kabiyo diideen sida foosha xun ee loola dhaqmo iyo bah dilka lagu sameeyo, waxaana lasheegayaa in ragan iyagoo kaba la oo qaar qaawan lakeeno maxkamada.

Dhinaca kale maxaabiistan ayaa sheegay in horaanba looga jaray cunadii isla markaana la kordhiyay iqaabtii iyo jidh dilkii xabsiga waana sababta keentay in ay kasoomaan cuntada.

Sikastaba ha ahaatee maxaabiistan ayaa lasheegayaa in haday sidii wadaan cunto kasoomistan ay naftoodu halis galayso isla markaana ay kici doonaan mowjado dad ah oo diidan sida loola dhaqmayo maxaabiista.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay