Hey’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addu ay ka jawaabeysay cabasho ay safaaradda Soomaaliya iyo sharciyaqaanno arrintan kala shaqeynayay ay u gudbiyeen hay’adda, taasoo ku aadan inay u muuqdaan inay si gaar ah Soomaalida u bartilmaameedsanayaan.

Dawlada Maraykanka ayaa qabqabatay shacab aad u tiro badan oo Soomaali ah kuwaas oo si sharci darro ah ku joogay dalka Maraykanka. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa laga masaafuriyay dalka Maraykanka .

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay