Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ambo oo katirsan Gobolka Oromia ayaa sheegaya kacdoon cusub oo kabilowday magaalada Abmo iyo deegaanada kuxeeran halkaas oo sida lasheegayo guux badan uu kabilowday.

Sida xogta aan kuhelay shacabka kudhaqan magaalada Ambo iyo guud ahaan Gobolka Oromia ee taliska wayaanuhu uu gumaysto ayaa umuuqata magaalo colaadeed kadb markay kumanaan dhalin yaro ah dibada usoo baxeen kuwaas oo diidan dhaqanka xun ee wayaanaha.

Kacdoonka dhalinta ee cusub ayaa bilowday kadib markii magaalada lagusoo daadiyay waraaqo lagaga soo horjeedo dhibaatooyinka ay ciidamada wayaanuhu kawadaan guud ahaan Gobolka Oromia iyo gaar ahaan Gobolka Ambo oo kamid ah goobaha ugu dhibaatada badan.

Goob joogayaal warbaahinta lahadlay ayaa sheegaya in dhalinta ree Ambo ay abaabulayaan kacdoon balaadhan oo lagu qaado xukuumada wayaanaha si loosoo celiyo sharaftii iyo karaamadii ay qoomiyada Oromadu xaqa ulahayd isla markaana ay dhalintu uhelaan xaqooda.

Guud ahaan wadanka Itoobiya oo ay kunoolyihiin dad 100 milyan sii cagacagaynaya waxaa dhalinyaro ah 65 milyan kuwaas oo sida lasheegay kudayacan daafaha wadanka, dhalinta wadanka Itoobiya ayaa lasheegayaa in ay yihiin kuwa ugu tahriibka badan qaarada Africa iyagoo safarada tahriibka kala kulma dhibaatooyin aad ubadan.

Sidoo kale dhalinta wadanka kusoo hadhay ayaa lasheegayaa in ay gabi ahaanba yihiin shaqola’aan waxaana magaalooyinka waawayn lagu arkayaa kumanaan dhaliyaro ah oo darbiyada iska fadhiya.

Dhinaca kale ciidamada ay kooxda TPLF tu ucarbisay ka hortaga kacdoonada ayaa lasheegayaa in ay heegan galeen kuwaas oo udiyaarsan gumaadka shacabka si ay ugu qaataan bilado iyo lacago abaal marin ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay