Midowga Yurub oo Taageera barnaamijyada horumarinta Soomaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku fulisay dhowr dil oo is xig-xigay ,xilli ay jiraan maxaabiis fara badan oo dil sugayaal ah.

24 tii bishan afar xubnood oo lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ayaa dil lagu fuliyay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ,iyadoo afartan qof loo haystay eedaymo ah in ay ka danbeeyeen qaraxyo sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waxaa sidoo kale jiray dhowr askari oo iyagana ay maxkamadi dil ku fulisay ,waxaana laga xusi karaa laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Somalia  , kuwaasi oo labo qof oo rayid ah ku kala dilay magaalooyinka Afgooye iyo Xudur, waxaana si lamid ah xukun lagu fuliyay askari isna qof shacab ah ku dilay degmada Buurhakaba.

War murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen guddiga Midowga Yurub ee Somalia ayaa lagu dhaliilay dilalka ay maxkamad-du fulisay ,kuwaasi oo dhamaantood dhacay waqtiyo aan kala fogayn oo bishan aynu ku jirno ah.

Waxaa Midowga uu ka dalbaday maamulka Koonfur galbeed iyo waliba dowladda Somalia in la joojiyo gabi-ahaanba xukunka qisaasta ,iyada oo la tirxraacyo xeerka lambarkiisu yahay 71/187 ,waxaana baaqa Midowga Yurub horey u taageertay dowladda Somalia.

Midowga Yurub waxaa ka go’an sii xoojinta nidaamka cadaaladda ee Somalia iyo in sharcigu uu u shaqeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed “ ayaa kamid ah baaqa ka soo baxay Midowga Yurub oo taageeray in ay eedanayaasha la horgeeyo maxkamado madani ah.

Ugu danbayn, Midowga Yurub ayaa sheegay in uu ku taageerayo dowladda Somalia iyo waliba maamulada dalka ka jira sidii looga maarmi lahaa qisaasta ,iyada oo la raadinayo nidaam sharciyadeed oo kale ,kaasi oo badal u noqon kara kan hadda la isticmaalo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay