Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee Gobolka Tigree ayaa sheegaya in Raysal Wasaaraha maqaarsaarka ah ee Itoobiya Hailemariyam Desaleng uu shalay fashiliyay sirtii abid ugu badnayd ee fakata inta uu xilka kumagacownaa.

Sida xogta aan kuhelay Desaleng oo magaalada Maqale utagay in uu dhagax dhigo jaamacad ladoonayo in laga dhiso magaalada Maqale ee xarunta u ah qoomiyada Tigreega, waxaana silama filaan ah Desaleng uga soo baxsaday hadal uusan saxaafada ugu tala galin.

Hailemariyam oo dadwaynihii magaalada Maqale lahadlayay ayaa sheegay in dhigaxdhigan uu yahay mid run ah oo kabadalan dhigax dhigyadii hore ee aan laga gun gaadhi jirin, hadalkan ayaa lasheegayaa markuu Desaleng kasoo baxay in uu aad umadoobaaday isaga oo gartay in uu dibada keenay sir xukuumadiisa uqorsoonayd.

Hadalka Raysalwasaaraha maqaar saarka ah ee Itoobiya kasoo yeedhay ayaa muujinaya dhaqanka xukuumada wayaanaha oo ah in ay bilkasta dhagax dhigsameeyaan isla markaana uusan kasoo bixin wax natiija ah.

10kii sano ee ugu dambaysay ayaa lasheegayaa in Gobolka Axmaarada la dhagaxdhigay 40 mashruux oo Iskuulo, Jaamacado, Isbitaalo iyo warshada ah kuwaas oo sida lasheegayo ayna jirin wax kashaqeeya ama bulshada looga faa’iideeyay.

Sidoo kale kooxda dabaqoodhiga ah ee wadanka Ogadenia gumaysiga wakiilka uga ah ayaa maalinkasta caalamka tusisa mashaariic aad ubadan oo ay dhagax dhigayaan kuwaas oo dhamaantood beenooba, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in kaameerada laga buuxsado oo kaliya.

Sikastaba ha ahaatee hadalka kasoo fakada Hailemariam Desalen ayaa muujinaya dhaqanka xun ee wayaanaha iyo hafaryada ay kuhayaan shacabka ay gumaystaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay