Warbixin dheer oo uu qoray khabiir katirsan ideecada Deutsche Welle ayaa lagu muujiyay baaxada abaaraha kajira wadanka Itoobiya iyo karti xumada xukuumada wayaanaha ee talada wadanka mudada nus qarniga ah xooga ku haysatay.

Khabiirka oo sooxiganaya cadaymo cad cad ayaa sheegay in guud ahaan wadanka Itoobiya looyaqaano ay abaartu saamaysay 7 milyan iyo 5 boqol oo kun oo qof oo inta badan ay kunool yihiin wadanka Ogadenia ee gacanta gumaysiga Itoobiya kujira.

Khabiirka ayaa warbixintiisa kuxusay in xukuumada Itoobiya ayna wax diyaar garow ah kasamaynin masiibooyinka ay suurta galka tahay in ay wadanka kadhacaan, waxaana warbixinta lagu xusay in wixii mashaariic kahortag ah lagusamayn lahaa jeebka lagu kala qaato.

Dhinaca kale warbixinta uu khabiirku diyaariyay ayaa lagu sheegay in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay xaalada uga siidarayaan iyagoo dadka dhibaataysan ugaysta xadgudubyo aan laqiyaasi karin oo isugu jira dil, dhac, xidhay iyo kufsi baahsan oo dumarka ay kula kacaan.

Warbixintan oo aad udheerayd ayaa lagu jeex jeexay in dhibaatadu ay ubadantahay wadanka Ogadenia halkaas oo sida warbixinta lagu xusay ay kajiraan abaaro baahsan iyo cuduro ay abaaruhu keeneen mana jiraan ayaa warbixinta lagu yidhi wax kaalmo bini’aadam nimo ah oo dadka Ogadenia kutabaalaysan lagaadhsiiyo.

Ugudambayntii khabiirka katirsan Ideecada Deutch Welle ayaa sheegay in guud ahaan dhibaatooyinka Itoobiya kajira ay aabo utahay maamul xumo iyo musuq maasuq aan kala qarsi lahayn.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada wayaanaha ayaan wax rajo ah laga qabin in ay sameeyaan wax dadaal ah oo kusaabsan taageerida dadka tabaalaysan ee xanuunada iyo abaaruhu ay aafeeyeen kuwaas oo ku dhaqan wadanka Ogadenia iyo meelo badan oo Itoobiya kamid ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay