Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa warbixin dheer oo ay sooqoreen ku dhaleeceeyay xukuumada wayaanaha ee caanka ku ah cadaadinta iyo caga juglaynta suxufiyiinta iyo saxaafada.

Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn oo ah urur caalami ah ayaa warbixintiisa sanadlaha ah kusheegay in wadanka Itoobiya uuyahay wadanka ugu xun ladhaqanka saxaafada xorta ah, waxaana warbixinta lagu sheegay in ay Itoobiya kaalinta 1aad kaga jirto wadamada saxaafa cadaadiya.

Warbixinta sanadlaha ah ee ururka suxufiyiinta ayaa lagu sheegay in wadanka Itoobiya ay sidirqi ah kaga baxsadeen wariyayaal badan oo naftooda ubaqay kadib markay ogaadeen in lagu soo maqan yahay.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in xabsiyada wadanka gumaysiga Itoobiya ay kujiraan suxufiyiin aad ubadan oo dhamaantood iyagoo goobahooda shaqada jooga lasoo afduubay kuna dhibaataysan xabsiyada wadanka.

Warbixinta ayaa lagu xusay in wariyayaasha yar ee wadanka kuhadhay in ay lakulmaan hanjabaad iyo jidh dil aan laqiyaasi karin, taas oo makhraati ka ah dhaqanka qalafsan ee wayaanaha.

Waxaa xusid mudan in wariye kamid ah kuwa xabsiyada Itoobiya kujira lasiiyay abaalmarin qaali ah oo loosiiyay shaqadii wanaag sanayd ee sida geesi nimada ah uu uqabtay.

Gabagabadii warbixinta ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa taliska wayaanaha lagaga codsaday in ay wax kabadalaan dhaqankooda foosha xun isla markaana ay saxaafada madax baneeyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay