Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay arimo dowr ah gaar ahaan xaalada dalka ee waqtigan iyo xidhiidhka ka dhaxaysa isaga madaxweynaha .

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in ay ka shaqayso marka hore arimaha dib-u-heshiisiinta si loo gaadho horumar iyo nabad dalkana looga sameeyo isbadal la taaban karo. Mar uu soo hadal qaaday xiriirka wada shaqeynneyd  kala dhaxeeya madaxweynaha ayuu yiri ‘’ Kalsoonida aan ku qabo wada shaqeynta aniga iyo Madaxweynaha waa 100%, xiriirka aniga iyo Madaxweynaha naga dhaxeeya waa xiriir ku saleysan danta Umadda Soomaaliyeed, wax dan gooni ah aan leenahay aniga iyo Madaxweynaha ma jirto

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku garab istaagaan isaga iyo madaxweynaha kalsoonida iyo wada shaqeynta fiican ee ka dhaxeysa.

Hadalka ra’iisal wasaare Kheyre ayaa imanaya xili dowladihii dalka isaga danbeeyay mudadii afarta sano aheyd min saddex ra’iisal wasaare ku soo shaqeeyeen, kadib khilaaf inta badan soo kala dhaxgallay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay