Isku duwaha jaaliyada Ogadenia ee wadanka Canada ayaa  maanta  shir isugu yeedhay qaar kamid ah Xubnaha Xafiiska  isku duwaha ee ka howlgala magaalada Edmonton  caasimada Gobalka Alberta.

Mudane Abdixakiim Mahamed  ayaa  Xubnaha  Xafiiska la wadaagay  warbixin  ku saabsan Jaaliyada Ogadenia  ee wadanka Canada ,Ogadenia iyo guud ahaan Xaalada  uu marayo Halganka uu ku jira shacabka Soomaalida Ogadenia,Mudane Abdikahiim oo ku dheeraaday  warbinta qaab u socodka shaqooyinkii loo Idmaday ayaa xubnaha ku booriyay inay  Hiil iyo hooba lagarab istaagaan shacabka Ogadenia ay dhibaatadu ku heyso meel badan oo kamid ah Gudaha iyo  Dowladah dariska la ah Ogadenia ooy ku soo qaxeen dad aad utira badan.

warbixin kadib waxaa halkaas laga dhageystay dhankooda  xubnaha  xafiiska  iyagoo soo bandhigay xog uruurin ku saabsan laamaha  Sirdoonka Gumeysiga Ethiopia oo ku howlan inay shacabka Ogadenia Qorsha cusub ku dhaxtuuraan iyaga oo adeegsannayay kuwa wata calaamadaha horay loogu yiqiin Jabhada wadaniga xoreynta Ogadenia.

Ugu danbeys waxaa hoosta laga xariiqay in halganka uu shacabka Ogadenia ku jiro loo huro maal,maskax iyo wakhtidheeri ah si dhab ahna looga hortago wax kasta oo shacabka Ogadenia ee Gobanimadoonka ah mad madoowna ku abuuri kara.

  

ONA-EDMONTON

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay