Warar rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaya in maalmaha inagu soo fool leh uu magaalada Addis Ababa gaadhi doono ergayg Qaramada Midoobay uqaabilsan dhinaca xuquuqda aadama.

Ergayga oo lagu magacaabo Zeid Ra’ad Hussein ayaa lasheegayaa in uu kulan laqaadan doono Raysal-wasaaraha maqaar saarka ah ee gumaysiga Itoobiya isagoo kala hadli doona arimo laxidhiidha dhinaca xuquuqda aadamaha.

Sidoo kale ergayga kasocda Qaramada Midoobay ayaa taliska wayaanaha kala hadli doona sidii ay u ogolaan lahaayeen in gudi xaqiiqo raadin ah ay wadanka yimaadaan isla markaana si madax banaan umaraan guud ahaan wadanka.

Ergayga iyo waftigiisa ayaa lasheegayaa in ay Hailemariam Desaleng kala hadli doonaan arimaha xukunka dag daga ah ee wadanka saaran mudada sanadka kabadan kaas oo sida lasheegay ay dad badan oo shacab ah kubaaba’een.

Sidoo kale Zeid Ra’ad Hussein ayaa lasheegayaa in uu maalinta khamiista ah ee bisha May ay 4 tahay qaban doono shir jaraa’id oo uu kaga hadli doono arimaha xuquuqul insaanka ee wadanka Itoobiya iyo waxyaabaha ay kawada hadleen madax kusheegta wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale Zeid Ra’ad Hussein iyo waftiga uu horkacayo ayaa lasheegayaa in ay kulan laqaadan doonaan madaxda ururka midowga Africa AU iyo ururada kale ee magaalada Addis Ababa xafiista kuleh kuwaas oo dhamaantood ay kala hadli doonaan arimaha xuquuqul aadamaha ee wadanka Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada wayaanaha ayaan wax rajo ah laga qabin in ay qaadato talooyinka kayimaada dhinaca hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dowladaha caalamka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay