War goordhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ciidanka looyaqaano agaaziga ee lootababaray gumaadka shacabka kudhaqan wadanka gumaysiga Itoobiya lasoo dhoobay magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada.

Warkan oo aan kahelo ilo wareedyo kusugan magaalada Gonder ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay si waxshinimo ah ula dhaqmayaan dadka shacabka ah ee kusugan magaalada Gonder, warka ayaa intaas kudaraya in ciidanku ay xidheen wadooyinka waawayn ee soogala magaalada ama kabaxa.

Ciidanka wayaanaha ee magaalada lasoo dhoobay ayaa lagu sababeeyay in magaalada Gonder ay noqotay magaalo ay kuladi waayeen saraakiisha wayaanuhu, labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa lasheegay in ay magaalada Gonder kadhaceen 11 qarax oo loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro waxaana qaraxyadaas kunaf waayay saraakiil badan oo kuwa wayaanaha ah.

Sidoo kale waxaa lasheegayaa in ay gacanta ciidamada gumaysiga kasii baxayaan magaalooyinka ugu waawayn Gobolka Axmaarada sida, Bahardar, Gonder, Gojam iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, sida xogta aan kuhelayno maamul kusheegyada dhulkaas kataliya ayaa sheegay in aysan waxba gacanta ugu jirin.

Dhinaca kale magaalada Addis Ababa iyo magaalooyinka kuxeeran ee dhulka Oromia ayaalasheegayaa in ay kajiraan kacdoono cusub oo laga dareemay dhul badan oo kuxeeran magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya.

Kacdoonkan ayaa lasheegayaa in uu yimid kadib markii dadka kudhaqan dhulkaas ay kasoo horjeedsadeen xukunka dag daga ah ee aan wakhtiga lahayn ee wadanka lagu hayo.

Sidoo kale dhalinta wax kabarata dugsiyada magaalooyinkaas ayaa lasheegayaa in ay diideen in wax lagu baro afka Axmaariga iyagoo macalimiin tooda kadalbaday in ay afkooda hooyo ee Oromada wax kubaraan.

Kacdoonkan cusub ayaan la ogayn halka uu gaadhi doono waxaana soobadanaysa cabsida laga qabo in ay dadku dibada usoo wada baxaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay