Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo shalay kormeer shaqo ku tagey Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Beeraha, ganacsiga  iyo Xanaanada Xoolaha  oo degan hal xarun, ayaa  tilmaamay in horumarinta Waxbarashada dalka ay  tahay ahmiyadda ugu wayn ee lagu gaadhi karo in dalku  uu gaadho halka uu higsanayo oo ah  horumar.

Mudane Kheyre  wuxuu masuuliyiinta wasaaradaha  uu ka dhageystay hanaanka ay u shaqeyaan iyo qorshooyinka Wasaraadaha, isagoo  dhiiri galiyey shaqaalaha Wasaaradaha uu ugu tegay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa  cadeeyey in dowladdu ay bixineyso  xaquuqda shaqaalaha Rayidka  balse aysan aqbali doonin in shaqalahu si wanaasan u gudan wajibaadkooda.

 Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa  isla shalay kormeer ku tagey xarunta Cilmiga,  Fanka iyo Suuganta, isagoo xusay in xaruntaasi  ay door weyn ku leedahay  tayeynta Waxbarashada iyo horumarinta  Dhaqanka.

Kamidho dhalinta qorsha  howleed wanaagsan waxa saldhig u ah korjoogteyn iyo isla xisaabtan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka oo aragtidaa ka duulaya ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kormeer howleed ku tegaa xarumaha hay’adaha dowladda, si looga warqabo howlwadeenada xarumaha uu kormeerayo sida ay bulshada ugu adeegayaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay