KU TUSAALE QAADO HALGAMOW ISBADALKA DALKII MIDOWGA SOVIET AHAAN JIRAY-

Waxaad horay u khriyasateen intiinii la socotay qeybtii hore ee BARNAAMIJKA ABAABULKA iyo DIYAARINTA BULSHADA HALGAMEYSA, maantana waxaan qaadaneynaa qeybtii labaad oo iyaduna inoo ifinaysa mid kamida ah is badalada waawayn ee kadhacay Qaaradda Yurub. Marka hore waxaan baraarujinayaa in caalamka aynu sabankan joogno yahay mid ku dhisan is fahan iyo isku danaysi. Cid waliba waxay leedahay dan gaar u ah, si ay yoolkeeda ugaadhana waxay usii mari kartaa qaabab kala duwan sida Tijaarada, Diblamaasinimo ama qaab lamid ah.

Waxaa qarnigii tagay dunida soo maray quwad la odhan jiray WAARSO oo ku dhisanayd qaab xulafo iyo Muruq muujin. Wadamada ku bahoobay waxaa kamid ahaa Yurubta Bari, waxaana Duq u ahaa wadankii horay loo odhan jiray midowga soviet. Xulafada Waarso waxay dhidibka u taageen 1955 si ay isga difaacaan quwadda NAATO oo markaa cimrigeedu ahaa 6 sano jir oo iyadana Maraykanku Daaxuur u ahaa. Bani aadsamku hawo kama dhargee wuxuu midkood waliba ilaashanayay jiritaankiisa, waxaase u dheeraa inuu galaangal waasic ah u yeesho dunida inteeda kale.

Isbadalkii koobaad ee dhacay wuxuu ahaa inay dawaldihii gaashaambuurta u ahaa midowga soviet oy kamid ahaayeen Alpania, Polan Jiguslavakia, Bulgaria iyo Romaniya ay ka xidhiidh furtaan Soveedka sideetamaadkii. Waxaa meeshii kusoo hadhay soveetka oo siyaad ahaan iyo dhaqaale ahaamba tacbaan u ahaa waqtigaas. 1991 ayuu si rasmi ah u burburay wadankii looguu yeedhi jiray Midowga Soveed (soviet Union). Taariikhahan oo dad badan oo bulshada ahi ayna aad ugu baraarusanayn ayaan jeclaystay inaan si kooban u dul maro si halgamaagu usoo dhaweysto inayna marna suurtagal ahayn sii jiritaanka itooiya, mar haday kala dhaqaaqeen kuwii ka tol iyo taag badanaa.

15ka Dawladood inay subax kala dareeraan waxaan keeni kara sidaan isleeyahay waa dalka oo ka koobnaa Qowmiyado loo xoog sheegtay oon haba yaraatee wax jacayl ah u haynin Sooveedka. Sidaa daraadeed akhristow adiguba indhahaaga kaga bogo sida ay jamhuriyad waliba meel ugu dhaqaaqday. Waxaad hoos ka akhridaa Tirada 15ka daawladood magacyadooda iyo tirada wadan walba dadkiisa, waxaana sameeyay tiro koobka Jariiradda- Theguardian ee Ingriiska kasoo baxda 2014 kii.

1-Jamhuriyadda Belarus-

Belarusia waxaa lagu qiyaasay bulshadeeda 9.4 milyan waxaa caasimad u ah magaalada Minsk. Reer Belarusia dhabarkay ujeediyeen Rassia wayna ka raysteen caga julayntoodii.

2-Jamhuriyadda Ukraine-

Ukraine waxaa lagu qiyaasay bulshadeeda 45 milyan waxaana caasimad u ah magaalada Kiev. jumhiriyadan iyo dadkeedu qoryo cadcad ayay ku tuureen kuwii qasabka ku haysan jiray.

3-Jamhuriyadda Georgia-

Georgia waxaa lagu qiyaasaay dadkeeda 5 milyan waxaana caasimad u ah magaalada Tbilisi. Markay ka xoroobeen kuwii darada ku hayay waxay u jiifaan jeego jeego!

4-Jamhuriyadda Azerbaijan-

Azerbaijan Waxaa lagu qiyaasay 9,3 Milyan. caasimadooa waxaa la yidhaa Baku. Dadkeedii markay ka ka raysteen cabudhintii Soveetka waxay fiitaa kabanayaan Kafeega.

5-Jamhuriyadda Lithuania

Lithuania waxaa lagu qiyaasay Dadwaynaheeda ilaa 3 milyan. Caasimadoodu waa Vilnius. Waa dal isku tashaday oo horumar ku dhex naaloonaya.

6-Jamhuriyadda Latvia

Latvia tirada bulashada waxaa lagu qiyaasaa 2.1 milyan. Caasimadoodu waa Riga. Xaalkoodu waa balaayooy buulkayga kaa galay iyo damaashaad.

7-Jamhuriyadda Estonia-

Estonia waaxaa lagu qiyaasaay 1.2 milyan. Caasimadoodu waa Tallinn. waa bulsho kooban laakiin go’aan ay ku meel maraan leh.

8-Jamhuriyadda Moldova-

Moldova waxaa lagu qiyaasay shacbigeeda 3.5 milyan. caasimdda dalkoodu waa Chișinău. waa umad ka dhabeysay guumaysi diidnimo.

9-Dawladda Rassia

Rassia bulshadeedu waa lagu sheegay ilaa 143.5 milyan. caasimadoou waa Moscow. Waa magaalada ay
kasoo burqanayeen gumaadka iyo cabudhinta umadaha ku hoos jirtay. Hadda waxay lamid tahay Haad baalashii laga rifay, laakiin waxaa waayahan dambe la sheegayaa in la bakhti afuufay. Waxaa kasii xumaan doona Itoobiya ee lasocda.

10-Jamhuriyadda Kazakhstan-

Kazakhstan waxaa lagu qiyaasay Dadkeeda 17 milyan. caasimadooda waxaa layidhaa Astana. dadka 70% in kabadan waa muslimiin sunni ah. waan hubaa inay ku faraxsanyihiin siday wax u dhaceen.

11-Wadanka Kyrgyzstan

Kyrgyzstan waxaa lagu qiyaasay shacabkeeda 6 milyan. caasimadoou waxaa layidhaa Bishkek. dadkeeda 83% in kabadan waa muslimiin. akhristow adba waad garan kartaa inayna Ruushkii waxba ku falaynin.

12-Wadanka Uzbekistan

Uzbekistan waxaa lagu qiyaasay dadwaynaheeda ilaa 30 milyan. dadka 90% waa muslimiin. caasimadoodu waa Tashkent. waa sidaas iyo Allaahu Akbar

13-Wadanka Turkmenistan

Turkmenistan waxaa lagu qiyaasay 5.1 milyan. caasimadoodu waa Ashgabat. Bal ka warran hadii dadku 93% in ka badan muslimiin yiihiin sow war cusub ma aha! Ma tiro badna laakiin waa dad geesinimo muujiyay oo u madax banaan danahooda gaarka ah.

14-Wadanka Tajikistan-

Tajikistan waxaa lagu sheegay tirada dadkeeda 8 milyan. caasimadoodu waa Dushanbe. in kabadan 85% waa muslimiin. Tolow inta ku abtirtasa ilma kistaan may iska midoobaan! si kastba ha ahaatee waa umad qiimo iyo taariikh leh

15-Jamhuriyadda Armenia

Armenia waa 3 milyan sida la wariyay, caasimadeeda waxaa la dhahaa Yerevan. Waa qowmiyad yar oo tashatay inay caloolaha salaaxayaana waa la filan karaa.

HALGAMOW TAARIIKHDAASI MA AHA CIYAAR CIYAAR-

Waxaan hagame kasta u sheegayaa inaana taariikhda saxda ah usoo qaadanin ciyaar ciyaar, balse u jeedkaygu yahay in si dhab ah loo fakaro maskaxdana la tuujiyo si ay ugu qanacdo saadaasha sheegaysa inay gabogabo tahay wax la yidhaaho itoobiya. Waxaaba sidaa rumaysan qabiilka tigreega ee waqtigan Usha u haya talada dalka. Iyada oy sidaa tahay Miskiinka ugu miskiinsan soomaali oo dhan waa kan aaminsan inay itoobiya tahay quwad sii jiri doonta!

Bulshada soomaalida ogadenya waa inay ku faanto ciidankooda ONLF ee fashiliyay isla waynidii Woyaanaha iyo kabo qaadyadiisa. Waxaan soo qaadanayaa 2 qodob oo halis ku ahaa Dalka Ogadenya oy fashiliyeen- kan hore waa 2007dii Riyadii Males Zanawi ee ahayd inuu Maqale iyo Galbeedka itoobiya ku sifayn doono Shidaalka Ogadenya. Qodobka labaad ee ay Jabhaddu fashilisay oo aad xasaasiyad u lahaa wuxuu ahaa damicii indho iyo dhago la’aanta ahaa ee Madaxwaynah Jabuuti, kasoo ahaa inuu ku kadsoomay brobgaandihii Tigreega. Waaba ninka iska diyaarsaday Foostooyin waawayn iyo shaqaalihii kala miiri lahaa shidaalka Ogadenya. Sow kama wacnayn inuu khubarada aduunka wax ka waydiiyo Ogadenya iyo xaalkeeda kahor intuuna meel cidla ah ka dhawaaqin.

Jabhadda ONLF oo waqtigan siyaasado waawayn dhex mukhuuraneysa oo ka dalacday siyaasadii koobnayd ee gobolka lagu yaqiinay waxaa wanaagasan inay bulashadu laba jibaaraan taageerada iyo garab istaagga Jabhadda. Dhanka kale siyaasadda ugu miisaanka culus ee jabhaddu qaadatay waa goob joognimada Gole kasta oo lagaga hadlayo masiirka qowmiyadaha ku hoos jira itoobiya. Waxaa sidoo kale guul ah inay jabhaddu qayb libaax ku leedahay goobaha ay ku kulmaan Saraakiisha hogaaamisa Ururada xorriyad doonka ah ee Taliska Woyaanaha la dagaalamaya.

isku soo wada duuboo waxaa jiritaanka itoobiya ka dayrinaya Khubaro, Siyaasiyiin, iyo saxaafaada oo gaadhsiisan ilaa heer caalam oo kali kuma ihi arrinka aan ifiyay ee ogaada.

Lasoco qeybta sadexaad ee Barnaamijka Insha Allaah

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax baan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.