Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya weerar culus oo kadhacay goob ay kooxda TPLF tu doonaysay in ay kuqabsadaan xaflad ay kuquusinayaan dadka deegaanka.

Sida xogta aan kuhelay kooxda TPLF ayaa doonaysay in ay magaalada kuqabato xaflad ay kufuri lahaayeen warshad samaysa Khamrida oo bilihii ugu dambeeyay ay kooxdu qorshaynaysay in ay kadhisto magaalada Bahardar.

Dadka deegaanka ayaa lasheegayaa in ay diido aad uwayn kala horyimaadeen dhisida warshada taas oo deegaanku ay u arkaan in lagu duminayo warshadaha yar yar ee magaalada kadhisan kuwaas oo ay leeyihiin ganacsato udhalatay Gobolka Axmaarada.

Warka ayaa intaas kudaraya in kooxda TPLF ta oo isdiidsiisay soojeedinta dadka deegaanka ay qabteen xaflad aad uwayn taas oo ay kucasuumeen qaar kamid ah fanaaniinta Itoobiya ugu caansan.

Dhalinta udhalatay deegaanka ayaa lasheegayaa in ay digniin cad siiyeen fanaaniinta iyo guud ahaan dadka lagu casuumay xaflada, waxaana xaflada oo xalay dhacaysay ka baaqsaday fanaanka caanka ah ee lagu magacaabo Maxamuud Axmad iyo xubno kale oo caan ah halka ay xaflada tageen fanaaniita kala ah Kuku Sabdibe iyo Argahayn Warash.

Sikastaba ha ahaatee daqiiqado kadib markay xafladu bilaabatay ayaa lagu weeraray dhowr kamid ah Bambooyinka gacanta laga tuuro waxaana lasoo tabinayaa dhimasho iyo dhaawac bdan oo soo gaadhay dadkii xaflada fadhiyay.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga ee aagaas kusugnaa ayaa lasheegayaa in ay fureen rasaas aad ubadan, waxaana lasheegayaa in ay rasaastu laysay dad shacab ah oo aad ubadan.

Faah faahinta khasaaraha kadhashay weerarkii xalay ee xaflada kala soco ONA hadii Alle idmo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay