Ergayga Gaarka ee Qaramada Mioobay (QM) u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, Michel Keating, ayaa sheegay in shirka London Somali Conference uu muhiim gaar ah u leeyahay isbedelka dalka Soomaaliya.

Shirka London ayaa waxaa lagu wadaa in uu furmo 11-ka bishan May, waxaana looga hadli doonaa arrimaha dalka Soomaaliya. Mr. Keating ayaa sheegay inuu Shirka London muhiimad balaadhan u yahay Xoojinta Iskaashiga Wada-shaqeynta ee Soomaaaliya iyo Beesha Caalamka.

Mar uu ka hadlayey qoddobadda looga hadlayo Shirka London waxa uu tilmaamay inay ka mid yihiin Ammaanka, Taageeradda Abaaraha iyo Dib-u-soo-kabashadda Dhaqaallaha iyo Mudnaanta Qoddobadda Siyaasadda oo ay ku jirto Dib-u-eegista Dastuurka iyo Horumarka Dimuqraadiyeynta si loo gaaro Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod sannadka 2020-ka.

Sanadkii 2011, dalka Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro saameysay deegano badan oo ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana abaartaasi ay galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale isla sanadkaasi waxaa jiray afduubyo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda.

Soomaaliya ayaa kasoo kabsatay dhibaatooyinkaasi, kadib markii sanadkii 2012 la dhameystiray dowladnimada Soomaalidda, waxaana biloowday Qariirada federaaliisamka, sidoo kalana ay ciidanka AMISOM ay la wareegeen magaalooyin badan.

Shirka Londan, ayaa waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay taageerad umadda Soomaaliyeed, sidaasi waxaa yiri dowladda Ingiriiska.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay