Maraakiibta dagaalka Shiinaha ayaa gaadhay dalka Philippine markii ugu horraysay muddo todoba sanadood ah, iyadoo dalka Philippine damacsanyahay in uu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay Shiinaha.

Warkan ayaa intaas ku daraya in maraakiibta oo ka kooban markab weyn oo kuwa saanadda qaada ah, kuwa wax duqeeya iyo saxiimadaha dheereeya, ayaa ku xidhay deked ku taala magaalada koonfureed ee Davao.

Imaanshaha raxantan maraakiibta ahi waxay daba socotaa gabagabadii shirka dalalka koonfur bari Aasiya oo ay Philippines marti galinaysay oo war murtiyeedkii ka soo baxay uu ka mid ahaa in aan waxba laga soo qaadin eedaha loo soo jeediyo Beijing ee ku saabsan hawlaha Shiinuhu ka wado badda South China Sea.

Ka hor intii aanu hogaanka dalka Philippines qaban madaxweyne Duterte, Manila waxay aad u dhaliili jirtay hawl gallada Shiinuhu ka wado baddaas iyada ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay