Shir si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay isugu yimaadeen wax garadka iyo gudiga jaaliyada Ogadenia ee Wadanka Koonfur Afrika ayaa ku qabsoomay Xafiiska Jaaliyada Ogadenia ee Pretoria.

Shirkan oo ah mid lagu lafa gurayay hawlaha jaaliyada ayaa u qabsoomay si heer sare ah waxayna xubnaha shirka kasoo qayb galay hoosta ka xariiqeen qodobo dhowr ah oo loobaahnaa.

Shirka ayaa waxaa sida caadada inoo ah lagu furay aayado qur’aan ah iyo  wacdi diini ah waxaan soo jeedinayay Xildhibaan C/rashiid Goljano.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka Mudane Mohamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi wuxuuna kaga soo qayb galay khadka taleefanka, Hogaanka ayaa madasha ka jeediyay warbxin waafi ah oo dhinacyo badan taabanaysa Wuxuuna hogaanku ka hadlay Xaalada Taliska Ethiopia oo uu sheegay in gabalkiisu siidhacayo, Khilaafka maamul TPLF u dhaxeeya, Kacdoonaka dib uga laba qarxay qaybo kamid ah Oromiya, dhaqaalaha gumaysiga oo sii liita iyo waliba Jabhaddaha ku kacsan  gumaysiga oo maraaya heerkii ugu sareeyay.

Intaas kadib waxaa shirkii loo furay Xubanaha iyo wax garadka Jaaliyada oo si qoto dheer uga hadlay howlaha halgan ee kasocoda wadanka Koonfur Afrika iyo shirqoolada gumaysigu malee gayo iyo sidii hal meel loogasoo wada jeedsanlahaa dhagarta gumaysiga Tigrayga uukuhayo shacabka Ogadenia.

Ugu danbayntii gudiga iyo hogaanku waxay isla garteen in horey loo siiwado howsha halganka ee wadanka ka socota iyo sidii looga hortagi lahaa hagardaamooyinka gumaysiga ee cusub.

Shirka ayaa gaba gabadii wuxuu ku soo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo halganka dalka iyo dibadaba kasocda.

Midtid midnimo iskutashi Guul Allaahu Akbar.

ONA/K.Afrika

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay