Booqasho aan la sii shaacin ayuu Ra’isul Wasaare K/xigeenka Dalka Jarmalka Signar Gabriel uu ku yimid Magaaladda Muqdisho, wuxuu ku dhawaaqay Deeq lacageed oo gaadhaysa 70 Milyan oo Euro oo la siinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mr. Gabriel oo sidoo kale ah Wasiirka Arrimaha dibada ayaa la kulmay  ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ah, waxaana uu  kulankoodii ku saabsanaa xoojinta xidhiidhka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha ee ka jira dhulka Soomaalida.

 Mudane Kheyre ayaa uga mahadceliyay Dowladda jarmalka lacagta deeqda ah ee ay ku yaboohday,isagoo ku booriyay inay sii wadaan taageeridda  dowladda iyo dadka Soomaaliyeed

Booqashadan oo tii ugu horraysay oo Masuul Jarmal ah oo darajadiisu sarayso uu ku yimaado magaaladda muqdisho muddo 30 sannadood ah, waxaa kaloo uu la kulmay Wakiilka Qaramada Midooba (MQ) u qaabilsan arrimah Soomaaliya Micheal keating, Madaxda iyo saraakiisha Ciidamadda Amisom ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya, isagoo sidoo kale ballanqaaday in dowladda Jarmalku sii xoojinayo taageerada dhaqaale ee uu siiyo ciidamadda Amisom.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay