Magaaladda Muqdisho waxaa ka socda Kullan heer sare  ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya saaxiibada beesha caalamka kaasi oo looga hadlayo Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya  kaasi oo la filayo inuu dhici doona 11-ka bishan May 2017.

Shirka London wuxuu fursad u siinayaa madaxda sare ee dowladda federaalku inay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London.

Shirka Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha; iyo arrimaha siyaasadeed ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo geedi-socod dimoqoraadiyadda oo horseedaya doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020.

Dhanka kale, Ka-qaybgalayaasha shirku  waxay bogaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan wada gaareen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, heshiiskaas oo ku saabsanaa naqshadda cusub ee qaab-dhismeedka ciidamada amniga Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu saldhig u noqonayaa wareejinta qorshaysan ee mas’uuliyadaha sare ee amniga dalka loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.

Gabagabadii, Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya bisha soo socota waxaa ka qaybgali doonaa Madaxda sare ee dowladda federaalka oo dhinac ah, Madaxweynayaasha dowladdaha xubnaha ka ah federaalka, Ra’isul Wasaaraha UK Taresa May iyo madax sare oo ka socota ilaa 50 wadan oo caalamka ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay