Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in khal khalkii ugu badnaa uu kataagan yahay guud ahaan Gobolka Axmaarada gaara ahaan magaalooyinka waaway ee Gobolka.

Sida warku nagu soo gaadhayo dhalin yarada kacdoonka kawada Gobolka Axmaarada ayaa ku hanjabay in ay badali doonaan noocii hore ee ay ula dagaalamayeen ciidanka wayaanaha iyagoo sheegay in ay bilaabi doonaan hab kucusub guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Dhalintan oo mudo sanado ah kacdoon kawaday gudaha Gobolka Axmaarada islamarkaana adeegsanayay qaraxyo ay labeegsanayeen ciidanka wayaanaha iyo maamulka gumaysiga u adeega ayaa hada kudhawaaqay in ay isqarxin doonaan.

Afhayeen u hadlay dhalinta xabashida ee kacdoonka wada ayaa sheegay in ay diyaariyeen dhalinyaro diyaar u ah in ay isku qarxiyaan goobaha ay kubadan yihiin saraakiisha iyo maamulada wayaanaha.

Habka isqarxinta ayaa ah mowqofka ugu dambeeya ee qofka mini’aadamka ah uu qaato waxayna dhalinta Axmaaradu go’aan sadeen in hadayba dhimanayaan ay qumaati udhintaan.

Dhinaca kale taliyihii ciidamada wayaanaha General Samora Yonis ayaa lasheegayaa in si dag dag ah isbitaal loola cararay kadib markuu xanuun kusoo booday, waxaana lasheegayaa in xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato.

General Samora Yonis oo ah shakhsiga ugu awooda badan taliska wayaanaha Males Zinawi kadib ayaa xilka ciidamada loo magacaabay sanadkii 2007 waxaana lasheegayaa in uu xanuunkiisu laxidhiidho mashquul badan oo kasoo gaadhay dhinaca fashilka xukuumadooda.

Gen, Samora Yones ayaa lasheegayaa in lageeyay isbitaal dalka dibadiisa ah lamana oga xaaladiisa dhabta ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay