Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi ayaa marlabaad kudbad taariikhi ah kasoo jeediyay kalfadhigii 16aad ee dadyowga lagumaysto kaas oo baryihii ugu dambeeyay kasocday magaalada New York ee cariga Maraykanka.

Kulankan oo dadyowga dulman  looqabto sanadkasta mar ayaa ahmiyad wayn u leh shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia, waxaana dibada lasoo dhigaa dulmiga lagu hayo dhibanayaasha S.ogadenia ee afka laqabtay.

Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi ayaa lasheegayaa in uu khudbadiisa diirada kusaaray dulmanayaasha kushaqan geeska Africa, Itoobiya iyo wadanka Ogadenia oo ah midka ay kadhacaan xad gudub yada ugu badan.

Mudane Cabdiraxmaan maaday ayaa khudbadiisa oo dadka soojiidatay tooshka ku ifiyay dhaqanka xun ee taliska wayaanaha iyo dhibka ay ugaystaan dulmanayaasha Soomaalida Ogadenia.

Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Sh ayaa sheegay in wadanka Ogadenia ee dhaca badhtamaha geeska Africa lasaaray cunaqabatayn sanado badan, sidoo kale Mudane Maaday ayaa sheegayn in hay’adaha xuquuqul insaanka, kuwa deeqaha bixiya iyo wariyeyaasha ba laga mabnuucay wadanka Ogadenia ee kujira gacanta Gumaysiga.

Kalfadhigan oo ahaa kii 16aad ayaa lasheegayaa in uu sanadkan lahaa xiiso gooni ah waxaana lasheegayaa in ay kasoo qayb galayaashu lasoo shirtageen cadaymo la’aamini karo iyo ujeedooyin cad cad.

Mudane Cabdiraxmaan oo matalayay shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia ayaa sanadkan soojeediyay khudbad soojiidatay kasoo qayb galayaasha wuxuuna Mudane Maaday kasoo sheekeeyay sooyaalka taariikheed ee shacabka Soomaalida Ogadenia iyo gumaysiga Itoobiya.

Khudbadii Mudane Maaday oo dhamaystiran Hoos kaakhriso.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay