Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo loogaystay dadka shacabka ah ee kudhaqan deegaano kamid ah Gobolka Nogob.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay dad shacab ah ku xidh xidheen Dagmooyinka Fiiq iyo Dhuxun ee Gobolka Nogob wuxuuna warku uqoraa sidan.

Markii ay taariikhdu ahayd 27/4/17 Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen Muuse Maxamad Siyaad. Sidoo kale 28/4/17 Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 sahra cabdulaahi khaliif
2 ifraax xaashi
3 dhuux kaafi
4 khadra daahir garas
5 nimco xassan dheere
6 ardo xaaji.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa sare uqaaday dhibaataynta shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia, waxayna taasu siikordhisay cadhada shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay