Wasaarada Arimaha Dibada ee wadanka Ingiriiska ayaa maalinnimadii shalay soosaartay digniin ay muwaadiniin teeda uga digayso guud ahaa wadanka Itoobiya oo ay Wasaaradu kusheegtay wadanka ugu khatarta badan wadamada Africa.

Wasaarada Arimaha Dibada Britan ayaa sigaar ah umagacoowday wadanka Ogadenia ee kujira gacanta gumaysiga Itoobiya iyo Dhulka Oromia iyo Ahmara, warkan kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu tilmaamay wadanka Ogadenia dhul uusan gaadhin xukunka Itoobiya.

Ma aha markii ugu horaysay ee wadanka Ingiriisku muwaadiniin tiisa uga digo aatitaanka wadanka Itoobiya, wuxuuna wadanka Ingiriisku digniin midan lamid ah soosaaray labo jeer oo hore.

Sidoo kale waxaa digniin midan lamid ah horaan usoo saaray wadamada Germany, Norway, Swedan, Canada iyo Maraykanka oo isna markii 4aad muwaadiniintiisa uga digay aaditaanka wadanka Itoobiya.

Digniinaha iska soo dabadhacaya ee wadamada ree galbeedku ay muwaadiniin tooda uga digayaan aaditaanka iyo joogitaanka wadanka Itoobiya ayaa saamayn wayn kuyeeshay dhaqaalaha wadanka Itoobiya wuxuuna wadanku marayaa meeshii ugu dambaysay ee uu wadan gaadho dhinaca dhaqaalaha.

Waxaa meesha kabaxay dalxiisayaashii imaan jiray wadanka Itoobiya oo ay kasoo xaroon jirtay lacag aad ubadan iyo maal gashatadii oo wadanka faaruqisay.

Sikastaba ha ahaatee digniintan ugu dambaysay ee wadanka Ingiriiska kasoo baxday ayaa xooga lagu saaray in muwaadiniinta UK aysan aadin wadanka Ogadenia oo ah meel aan maamul lahayn sida ay wasaaradu sheegtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay