Halgan gobonimo doon ah wuxuu yimaada marka gumeyste jiro wuxuuna maraa marxalado iyo habab kala duwan balse dhamaantod isla waayo halgan ah, marxalad kasta oo uu galo halganka gobonimo doonka ahi hab waafaqi kara ayuu gumeystuhu isku dayaa inuu ula dagaalamo si dheer hadaan u dhigo tan macnaheedu waxaa weeye gumeystuhu wuxuu dagaal dhinacyo badan ah ku qaadaa halganka gobonimo doonka ah umadi ku jirto wuxuuna kala dagaalamaa jihooyinka badan kuwaas oo u kala qaalisan gumaysiga.

Noocayada dagaal ee gumeystaha wuxuu lee yahay habab kala duwan kan u sareeyaana waa mid is badbadalaya lana kora halganka tusaale ahaan xilliga bilowga halganka gumeystaha dagaalkiisa ugu qaalisan uuna ugu jecelyahay waa inuu halganka xoog ku fashiliya, xataa hadduu nabad ku fashilin karo ma door bido waayo wuxuu isku dayayaa inuu u quus gooyo oo uu niyad jabiyo shacabka halganka ku jira wuxuuna ka dagaalamaa kabasho mar labaad mustaqbalka iman doonta taasoo ugu yaraan dib dhigeysaa xilliga mar labaad dhaq dhaqaaq gobonimo doon loogu dhiiran karo.

Xilliga halganku yar kordho gumeystuhu ma door bido inuu xoog kaliya xal ku helo ayadoon dhanka kale ay na ka maqnayn inuu xoog sii aamin san yahay dhacdooyinkan waxaan u xusayaa marka la eeggaayo halgan halkuu gaadhey meelaha laga qiimeyn karo ayay ka mid tahay in la eego habka gumeystuhu isku dayaayo inuu ku fashiliyo halganka, waayo dagaalka gumeystuhu wuu la koraa halganka.
Qoraalkan waxaan isku dayayaa inaan ku qeexo cadeymo muujinaya in halganka Ogadeniya lagu xoreynayaa gaadhey marxaladii u sareysay ee xornimada lagu hanan lahaa maalinteeda, wuxuu qoraalkani si maadi & macnawi ah ba u darsi doona qoddobo badan oo arrintaas muujinaya qoddobka u horeya ee aynu ka eegeyna waa habka gumeysiga Ethiopia xilligan muhiimada siinayo inuu ula dagaalamo halganka.

Gumeysiga Ethiopia way cadahay inuu halganka Ogadeniya lagu xoreynayo dagaal dhinacyo badan ah kula jiro balse habka ugu muhiimsan uguna qaalisan ee uu isku dayaayo inuu ula dagaalama xiligan wuxuu yahay, hadaan hadalka sarifo Ethiopia waxa ugu qaalisan ee ay jeceshahay inay halganka kula dagaalanto xilligan waa shakhsiyaad ka fog sumada Ethiopianimada ama aan lagu aqoonin amaba taariikhda noloshooda qeyb kusoo qaatey isla halgankan xaq ah ee dadka iyo dalka Ogadeniya lagu xoreyneyo.

Inagoo kor ku xusnay xiligan habkan ugu sareeyo ee gumaysigu u rabo inuu kula dagaalamo halganka Ogadenya hadana kusii habsaami meyno, waxaase laga yaabaa in qaar badan oo kamid ah akhristayaasha ay is way diiyaan maxaa gumeysiga ku kalifaya in habkaas kor ku xusan uu ka dhigto dagaalkisa u sareeya xilligan aan ku jiro.?
Jawaabtu way dheertahay sharax badana way u baahantahay ee horta si kooban waxaa ku kalifaya waa awooda halganku yeeshay ee macnawiga ah, si kale hadaan u dhigo gumeystuhu wuxuu ku qancay in halganka Ogadeniya uuna shaadh kiisa isku hor taagi karin markaan leeyahay shaadhkisa dabadhilifkiisu waa kujiraan ee la soco tani waxay inoo muujineysa in awooda gumeysiga ee macnawiga ahayd ay dhamaatey.

Madaama oo awooda maadiga ahi aanay jiri karin la‘aanta awooda macnawiga ah darteed gumeysigu wuxuu raadsanayaa naf kale oo caawisa taasna, wuxuu gumaysigu isku dayayaa xiligan inuu halganka dhexdiisa ka helo dad u jaba oo uu dagaalka marxaladan ku galo haduu ka dhex waayana wuxuu raadsanaya cid hore shaanbadaas ugu dhacdey si uu usii cimri dhararsado.

Waxaa xusid mudan xilliga uu gumeysigu bur burkiisu soo dhawaado uuna xaqiiqsado inuu halganku guulaysan hayo ayaa wuxuu isku dayaa inuu halganka isla sadqeyo saas darteed waabey iyo sun aad u halis badan ayuu tufaa, xiliga dhamaadka cimriga gumaysigu waa xilli mudan in halgamaagu fahansanaado si hufana uu ugu baraarugsanaado.

Qeybta labaad ee qoraalkan ayaynu dhinac kale cabirka kaga saari doona halganka kuna sheegi doona qodobo kale oo muujinaya in halganka Ogadeniya gaadhey marxaladii ugu sareysay.
Qoraa Madax Banaan: W/Q Barkhad Ibrahim.
Email muumin_de@hotmail.com.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.