Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in sadex fadhiisin oo ciidanka wayaanuhu kulahaayeen woqooyiga Gonder la weeraray habeenimadii xalay ahayd.

Sida xogta aan kuhelayno Ciidanka Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj iyo ciidamada deegaanka ee beeralayda Axmaarada oo isgarabsanaya ayaa weerar labeegsaday 3 fadhiisin oo ay lahaayeen ciidanka wayaanuhu.

Weeraradan oo lasheegay in ay ahaayeen kuwo lagu noqnoqday ayaa lasheegayaa in ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare lixaad leh oo naf iyo maalba isugu jira, goobjoogayaal kusugan deegaanada ay dagaaladu kadhaceen ayaa sheegaya in ay arkayeen ciidan baan oo kuwa wayaanaha ah oo la aasayo iyo kuwo looqaadayo goobo caafimaad.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen qaar kamid ah gaadiidka ciidanka wayaanaha oo gubanaya kadib markay madaafiic laheleen ciidamadii soo weerar tagay.

Afhayeen u ahadlay ciidamada isgarab sanaya ee Jabhada iyo madaniga ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanaha gaadhsiiyeen jab aad uwayn isla markaana ay gubeen baabuur wayn oo kuwa dagaalka ah oo ciidanka cadawgu ay lahaayeen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan oo ahaa mid loogu aarayay shacabka Axmaarada ee dhibaataysan kadib ay go’doomiyeen xeryaha sadexda ah ee ay weerareen.

Sikastaba ha ahaatee dagaalada udhaxeeya ciidanka wayaanaha iyo jabhadaha ku kacsan ayaa siikordhaya maalinba maalinta kadambaysa waxaana sii badanaya niyad jabka ciidanka gumaysiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay