Hogaaminta Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa sheegaya in askari kamid ah ciidamadooda khaaska ah ee sida gaarka ah u taba baran lagu dilay gudaha wadanka Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo 40 KM galbeed ka xiga Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen markii askarigan ladilay ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.

Waxaa xusid mudan in bishii la soo dhaafay ee April ay tiro ciidamo ah oo Mareykan ah la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo AMISOM.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada gobolka, si loo burburiyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay