Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Canfarta ee gacanta Gumaysiga Wayaanaha kujira ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu ku guulaystay colaad qabiil oo bilihii ugu dambeeyayba uu ka hurinaya Gobolka Canfarta.

Sida xogta aan kuhelay taliska wayaanaha ayaa hubka isugu dhiibay labo beelood oo walaalo ah oo wada dagan Gobolka Canfarta una dhashay isla Qawmiyada lagumaysto ee Canfarta.

Dagaalkan oo lagu hoobtay ayaa lasheegayaa in uu galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah kuwaas oo islaayay kadib markuu wayaanuhu ku guulaystay hurinta colaadii uu mudada bilaha ah waday kuna taamayay in uu faraha isu galiyo labada qabiil ee ugu balaadhan Gobolka Canfarta.

Dagaalkan ayaa sida lasheegayo waxaa ku dhintay 23 qof oo labadii dhinac ee dirirtu dhex martay ah waxaana lasheegayaa in uu dhaawucu yahay mid xad dhaaf ah, sidoo kale waxaa isla goobta kubakhtiday 2 askari oo kuwa wayaanaha ah oo gacan siinayay mid kamid ah qabiilada ay dirirtu udhaxaysay.

Dagaalka ayaa sida lasheegayo yimid kadib markay wayaanuhu sheegeen in ay daah furayaan mashruuc sonkorta laga samayndoono waxayna qandaraas siiyeen mid kamid ah labada qabiil ee islaayay, warka ayaa intaas kudaraya in uu dagaalku yimid markay qabiilkii qandaraaska qaatay ay dhaheen waxaan jaraynaa dhirta taas oo ay diideen qabiilka kale ee deegaanka ladaganaa.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaa sanadkii ugu dambeeyayba kumashquul sanaa hurinta colaadaha sokeeye si ay isaga uga dagaal qaar kamid ah culays yada saaran.

Sida aan lawada socono xukuumada gumaysiga ayaa hubka isugu dhiibtay Soomaalida Ogadenia iyo Oromada, Oromada iyo Axmaarada, Axmaarada iyo Gambbelaha, Oromada Iyo Canfarta iyo waliba colaadan ugu dambaysa ee Canfarta dhexdeeda ah.

Wixii kasoo kordha colaada Gobolka Canfarta Kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay