Gumeystayaashi Geeska afrika yimid ayaa dadka Somaliyeed u qeybiyay shan waaxood nasiib xumo Somalida Ogadeniya ayaa noqdey kuwii ugu ayaanka darnaa waxayna gacanta u galeen cadoowgii Soo jireenka ahaa ee dadka Somaliyeed balse nasiib wanaag marna ismey dhiibin halgan gobonimo doon ayay Gumeysiga Itoobiya kala hortageen.

Halgankaasna waa mid ilaa maanta socda, dadka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka gaabiyay doorkii la doonayay in ay halganka ka qaatan waxaanan qabaa in Ogadeniya ay xoroobi lahayd hadii dadka Soomaaliya doorkooda ka qaadan lahaayeen halgankan hagardaamadana ka deyn lahayeen.

1991-dii ayay ahayd markii Jabhada TPLF qabsatey xukunka Gumeysiga Ethiopia xilligaas waxa kusoo aadey burburkii Jamhuuriyada Somaliya taasina waxay sababtey in Somalida Ogadeniya halgankooda u madaxbanaanaadan.

Jabhada TPLF ayaa sheegtey inay xuquuqdooda heli doonan dhamaan shucuubta taliskii Mingistu gumeysanayay, waxayna sheegtey in umad kasta xaq u leedahay ka tashiga aayaheeda balse kamay run sheegin.

1993 doorashadii ka dhacaday dhulka Soomaalida Ogaadeeniya waxa ku guulaystay, jabhadii ONLF oo heshay 84% codadkii la dhiibtay ONLF waxay in badanna raadinaysay xornimo iyo madax banaani ay doonayeen dhamaan shacabka Somaliyeed ee Ogadeniya rabbi ku abuurey.
Xubnihii loo doortay baarlamaanka deegaanka Soomaalida Ogaadeeniya iyo Oday dhaqameedka Soomaalida Ogaadeeniya, waxay ka dalbadeen raysal-wasaarahii Ethiopia Meles Zenawi in uu siiyo dhulkooda madax banaani sidii sharciga Itoobiya ee xiligaasi qorayey.

Madaxdii TPLF waxay codsigii shacabka Soomaalida Ogaadeeniya ugu jawaabeen
Dil, xadhig iyo cabsi galin si ay uga hor istaagto madax banaanida ay doonayaan, Dhaqankaasna waa mid ku dhisan taariikhda colaadeed ee Somalida iyo Ethiopia saas darted dhamaan shacabka Somaliyeed xaq ayaa loogu leeyahay in ay qadiyada Ogadenya xornimada geestoda ka qaatan.

1994 Dawlada Ethiopia waxay amar ku siisay ciidankeeda in la baabiyo xarunta dhexe ee jabhada ONLF, lasoo qabqabto madaxda jabhada ONLF si looga duwo madax banaanida ay xaqa u leeyihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO/ONLF) waxay shaacisay dagaal ka dhan ah ciidamada woyaanaha (Tigrey).

Laga bilaabo sanadkii 1994-tii ilaa sanadkan aynu joogno, waxa socda dagaal dhexmaraya jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeeniya JWXO iyo Gumeysiga Ethiopia, waxaanu soo maray wajiyo kala gadisan oo dhamaan halgamayaashu u adkeysteen Libin muuqatana ka keeneen sida ilaalinta kheyraadka Ogadeniya oo Ethiopia lagu fashiliyay soo saaristisa.

Colaadaa daba dheeraatay ee ku baahday gayiga Soomaalida Ogaadeeniya, maamulada soomaalidu gacan iyo gabood toona ma siin shacabka dulman, si gaar ah Maamulda Somaliland iyo Puntland waxay la safteen Gumeysiga heer nafhurid gaadhsiisan waxayna si joogta ah u bartilmaameed sadeen shacabka Ogadeniya arintaasna goob joog ayaan u ahaa shacabka Ogadeniya la xidh xidhayo si gaar ahna qeybaha nugul loo bartilmaamesanayo, geesta kalana Warbaahinta Soomaalida ee buunbuunisa colaada sokeeye ee ka dhaxaysa qabaa’ilka Soomaaliyeed marnaba kumay dhiiran in ay baahiso xasuuqa iyo gumaadka loo gaysanayo shacabka aan waxba galabsan ee Ogaadeeniya .

Shacabka Soomaaliyeed ee jamuuriyada Somalia, waxay u qaybsameen laba kooxood.

Kooxda hore: waa koox og xaalka ka jira dhulka soomaalida Ogaadeeniya aaminayna in aanay waxba u tari karayn ama ka cabsaday caga juglaynta Ethiopia laakiin ka niyad xun waxa ka socda dhulkaas.

Kooxda labaad: waa koox aan ogayn sida xaalka deegaanka soomaalida Ogaadeeniya yahay iyo sida ay u bilaabantay dhibka hadda taagani, Labada kooxodba waxaa ku waajib ah inay doorkooda qaatan Halganka Ogadeniyan dhiig iyo dhaqaalaba isla garab istaagan sidaas waxaa ina faraya damiirka dadnimo dunta somalinimo iyo dareenka Islamnimo.

Ugu danbeynti waxaan hambalyay nayaa inta halgankaas xaq ah soo wadey walina wada waxaan guul ah in wali gumeysiga halgan lagula jiro.

W/q Jamaal Siciid

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.