Laga soo bilaabo maalintii Axada ahayd oy taariikhdu ku beegnayd 8/1/2011  ilaa 11/1/2012 waxaa magaalada Garissa ololo nadaafadeed ka sameeyay ururuka magaciisa la dhaho HOWL WADAAG. Ururkan oo ka mid ah ururada bulshada ee ka dhisan magaaladan Garissa ayaa waxuu qabtay howlo xagga  nadaafada ah, waxayna soo gabagabeyeen maanta.

Ururkan Hawl Wadaag shaqada maanta uu ka qabtay bilicda magaaldan Garissa waxaa ka codsaday dowlada hoose ee magaladan Garissa. Shaqadan ay qabteen Howl Wadaag oo madaxda Garissa ay uga mahad celiyeen ayay madaxda waliba goob joog ka ahaayeen goobtii ay hawsha nadaafadda ka socotay.

Hadaba urrukan Hwl Wadaag ayaa waxaa la aasaasay 15/8/2011 wuxuuna ka mid yayhay ururada bulshada ee tayada leh ee ka jira magaaladan Garissa.

Ururkan HOWL WADAAG  howlihii uu qabtayna waxaa aad oogu diirsaday  shacabka ku dhaqan magaalada Garisaa, waxaana ka mid ah hawlahaa;

1- Nadaafada iyo bilicda magaalada oy hagaajiyeen.

2- Wacyi galinta bulshada

3- Hormarka xagga nabada

4- Kor u qaadida iyo tayaynta waxbarashada

5- Midayta ururada bulshada.

6- IWM

Ururkan Howl Wadaag waxuu ka koobanyahay lamaha kala ah; arimaha bulshada Sida Odayaasha , Hooyooyinka , Dhalinyarada , iyo Culuma owdiinka, waxaana qorshaha ugu jirta mustaqbalka inuu qabto arimaha soo socda;

1- Waxuu ku hanweyn yahay in uu noqdo ururada oogu waa weyn ee wadankanKenya ka jira

2 – In uu wax u qabto bulshadiisa Garisaa anfacda.

3 – Inuu furu Goobo wax barasho oo loogu tayeynayo aqoonta da’yarta.

Qaban qaabada magaalada lagu Saiifinayay waxaa lahaa gudoomiyaha  ururka HW mudane Cabdi Axmed Cabdi iyo Hogaanka Dhaqaalaha marwo Naado Cabdi Cali waxayna dadaal oogu jiraan in waxbadan ay u qabtaan shacabka ku dhaqan magaaladan Garisaa.

Waxaa gooobta nadaafada ka  shaqaynayay in ka dabadan 90 qof oo xubno ka ah ururkan Howl Wadaag, sidoo kale waxaa goobta shaqada ku sugnaa C/rashiid Geel-qaad, Cumar Soya iyo masuuliyiin kale .

Waxay ku Raja weenyihiin in waxbadan ay ka qabtaan magaalada todobaadkan  nagu soo aadan.

 

 

 

ONA/Garissa   

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay