Maraykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Suuriya in xabsi milateri oo ku yaalla meel u dhaw caasimadda Dimishiq ay ka samaysay goob lagu gubo meydadka kumannaan qof oo maxaabiis ah.

Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa baahisay sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed, kuwaasi oo muujinaya goobta meydadka lagu gubo ee xabsiga Sednaya. Qaramada Midoobey (QM) iyo kooxaha xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in xabsigaasi lagu jirdilay isla markaana lagu daldalay kumannaan qof oo maxaabiis ah.

Diblumaasi sare oo Mareykan ah oo ka hawlgala Gobolka Bariga Dhexe kaas oo lagu magacaabo Stuart Jones ayaa sheegay in ku dhawaad 50 qof oo maxaabiis ah maalintiiba lagu dilo xabsiga Sednaya. Waxa uu intaasi ku daray in dilkaasi la geysanayo, iyada oo ay u muuqato in dowladaha Iran iyo Ruushka ay arrintaasi taageerayaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay