Warbaahinta Kenya ayaa sheegaysa in degmada Libooy ee xuduuda Soomaaliya iyo Kenya in ilaa Afar qof oo rayid ah ay  dhinteen  kadib markii baabuur ay la socdeen ay ku qaraxday miino la dhigay waddada dhinaceeda.

Baabuurkan oo ka yimid Libooyo una socday magaalada Gaarisa ee waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dhammaan dadka ku dhintay ay ahaayeen dad rayid ah, Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda miinadan dhulka ku aastay, iyo cidda loola dan lahaa.

 Dhinac kale, Dowladda Kenya ayaa sheegtay in koox looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay toogasho ku dileen Nin Caaqil ahaa oo ka talinayay tuulo lagu magacaabo Cumar Jilicow oo ka tirsan degmada Mandheera ee waqooyi bari ee Kiiniya.

Booliska gobolku waxay sheegeen in weerarku dhacay abaarihii 8:20 fiidnimo, iyagoo xoog ku galay guriga Caaqil Deeqow Cabbey oo ah odayga tuuladda Cumar Jilacow, ka dib dilay, waxayna intaa ku dareen in maleeshiyadu ay ka tageen tuuladda. Booliiska degaanku waxay beeniyeen in ay jiraan xubno ka tirsan booliiska oo la afduubay, waxayna sheegeen in uu socdo hawlgal ay ku daba joogaan dadka ka dambeeyey weerarkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.