Caqabadahii ANC ay soo martay kana soo gudubtay iyo madaxdii ururka 100kii sano ee la soo dhaafay  

Guusha ayna cidina qiyaasi karin waxay ahayd sida ay madaxda ANC isugu hayeen ururka midnimadiisa iyadoo ururku uu soo maray wakhtigii ugu adkaa ee urur gobanimo doon uu soo maro. Culayska ugu badni wuxuu ahaa iyadoo dhamaan madaxda ururku ay masaafuris kaga maqnaayeen dalka intii ka badbaaday xabsigii caanka ahaa ee markii danbe noqday jaamacada caanka ah, Roben Irland.

Dhab ahaan way adagtahay in urur caqabadahan oo kale ka soo gudbo isagoo midaysan. Waxyaabaha madaxdii masaafusika ku maqnaa ay la daalaa-dhacayeen waxaa ka mid ahaa ilalinta iyo isku wadida ururka iyadoo ay ugu darayd ciidanka oo qaybi ay falaagowday. Sideed nin oo saraakiishii sar-sare ka mid ahaa ay damceen inay gooni uga go’aan urur waynaha. Waxaa kaga sii adkayd madaxda ANC oo dhibaato joogta ahi ka haysatay sidii ay ururka uga ilaalin lahaayeen ama uga dhex saari lahaayeen xubnaha maandooriyaha isticmaala oo cadawga (dawlada midabtakoorka ah) si joogta ah isugu dayayay inuu ku dhex galo haya’daha ururka iyagoo mararar badan ku guulaysatay inay xataa saamayn ku yeeshaan gudiyada qaranka ee ANC ee go’aan qaadashadooda iyo hawl fulintooda intaba qaabilsanaa.

Caqabada 2aad waxay ahayd dilalkii iyo shirqooladii loo gaysanayay madaxdooda ka hawlgala dibadaha iyadoo mararbadan lalaayay madax qiimo badan ugu fadhiyay halganga oo ku maqnaa masaafuris. Qaarkood waxaa lagu laayay waraaqo la soo miineeyay, qaarna toogasho kuwa kaleetana waxaa lagu sumeeyay wadamo kale dheexedood.

Ruth First oo ahayd gabadh u ololaysa ANC ayaa tusaale loo soo qaadan karaa oo lagu dilay caasimada Rodishia Mabuto iyadoo loo soo diray warqad miinaysan.

Guulaha ay ANC gaadhay waxaa si cad u qiray una hanbalyelay ururarada mucaaradka ku ah oo ugu waynyahay ururka matala cadaanka ee DA oo loo arko inuu yahay hadhaagii dawladii midab takoorka ee ANC la dagaalantay. Gabadha ururka DA hogaamisa waxay tidhi sidan; “In urur gobonima doon ka gudbo caqabado noocan oo kale ah waa guul mucjiso ah oon la arkin ANC kahor. Waxaana loo baahanyahay maskaxda iyo muruqa ANC ay ku hirgalisay guushaa inay ku hirgaliso baabi’inta kala sareynta dhaqaale iyo farqiga u dhexeeeya dadka kala midabka ah eeSouth Africa.”

Xisbiga kale ee COP (Congress Of the People) ayaa yidhi isna; “Waa arin layaab u muuqata in ANC adkaysatay mudo 86sano oo halgan aan kala go’lahayn ahaa ka dibna ku qasbaan inuu yimaado cadawgooddii miiska wada hadadlka.”

Xisbiga kale oo ladhaho Pan-african Congress ayaa isna yidhi; “Guusha lagu faani karo waxay ahayd in ANC midaysay dadkii Africakaanka ahaa.”

100kii sanee ANC madaxdii soo martay

8dii Jan. 1912 waxa isugu yimid Kaniisad yar oo ku taala duleedka magaalada Bloemfontien hogaamiyayaal dhaqameed, wadaado kiniisadeed iyo  waxgarad kale, waxayna ku asaaseen urur la yidhaahdo South African Native Congress, waxayna madaxwayne u doorteen ninka la yidhaahdo John Dube oo ahaa aqoon yahan, philosopher, qoraa iyo gabyaa intaba ahaa. Waxase  la caydhiyay markuu aqbalay siyaasadii midab takoorka ahayd ee ku dhisnayd in lakal sooco madowga iyo cadaanka. Waxaa lagu badalay Sefako.

Wakhtigiisii waxaa dadka laguu qasbay shaqooyinka sharcigii dhulka iyo  canshuuraha  ee ay dowladu ku soo rogtay dadka. Shaqad kaliya ee ay heli kareen dadka madow waxay ahayd beeraha cadaanka iyo godadka macdanta laga qodo oo inta yaree cadanka ah ay lahaayeen inay ka shaqeeyaan. Inkasta oo dadka qaybo ka mida ay ka shaqaynayeen magalada Johannesburg, hadana dadka madowga ah dhamaantood waxao loo yaqanay soo galooti. Sharcigii koontroolka isu socodkuna wuxuu dadka ku sii adkeeyay inay isu yimaadaan, isu  safraan ama meelo kale ay shaqo u  radsadan. Urukii markaa jiray wuxu isku khilaafay talaabooyinki laga qaadi lahaa arintasi. Taasi waxay muujinaysay tabar yaraanta uruka. 1923 ayaa waxaa magacii ururka loo badalay ANC (African National Congress).

Arintan waxaa looga danlahaa in dadka  dulman ee Koonfur Afrika oo idil ay ka mid noqdaan ururkan cusub iyada oo ururkii hore uu ahaa urur dadka madowga ah kaliya leeyihiin oo loo maleeyay in magiciisu is hortaagay dad badan inay ku soo biraan halganka. Wakhtigaa waxay daadk madowga ah  xaq u yeesheen inay tareemada dadka qaada ay ka fuulan qaybaha dambe, meesha markii hore dadka madowga ah ay raci jireen oo kali ah tareenka dhuxusha qaada. Urukan ANC waxay markii ugu horeysayba hindiseen inay la saaxiiban dhaman ururada la hadafka ah.

1937dii waxa ANC hogaankeeda la wareegay Mahabona, oo ku saleeyay dagalkiisa uu kaga so horjeeday midab takoorka siyasad iyo diinta masiixiga. Waxaa isagana xilka kala wareegay Jasiah Gumade oo hirgaliyay horomar  dhanka bidix u janjeedha (Leftist tendency). Wuxuuna mideeyay fikiradihii kala  badalaa ee hanti-wadaaga iyo hanti-goosiga u kala safnaa.

Ka dib waxaa hogaanka kala waregay Pixely Isaca, wuxuuna hirgaliyay isaga  oo taageero lacageed ka helay boqradii Swaziland taasoo qaybwayn ka  noqotay horomarkii ururka.

1949kii waxaa kala wareegay AB Xuma oo hirgaliyay sharcigii midaynayay xuquuqda muwaadiniinta, wuxuna aasaasay ururki  midnimada haweenka  Koofur Africa.

James Moroko wuxuu ahaa nin ku soo kicitimay shaqooyinkii Ururka Dhalinyarada, wuxuuna  hirgaliyay  mabaadii ku salaysan dagaal iyo gacan ka hadal. Wuxuu ahaa ninki bilaabay mudaharadadii dowlada ka wareeriyay.

1952dii waxaa  xilka qabtay caaqil Luthuli oo noqday qofkii ugu horeeyay ee madow ah ee ku guulaysta bilada loo yaqaano Nobel Peace Price oo ku mutaystay u ololayntiisi halgan aan rabsho lahayn. Wakhtigiisaana waxay  Oliver iyo Mandela  aasaaseen Ururkii Dhalinuyarad ee qaybta ugu wayn ka qaatay halgankii ANC.

1967dii waxa hoganka la wareegay Oliver Thampo oo ka mid ahaa asaasayaashii ururkii dhalinyarada. Wuxuu dhashay Oliver Thambo 5 sano ka dib aasaaski ANC, wuxuuna ku barbaaray howlihii ururka. Wuxuu ahaa  hogaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara ANC. Wuxuu xilka hayay  tan iyo intuu ka dhimanayay 1991kii. Wuxuu ahaa hogamiyihii ugu waxtarka badnaa ANC. Kadib xasuuqii Nashville waxay  ANC ka codsatay inuu dalka ka baxo. Intii ka danbaysay wakhtigaa wuxuu noqday hogaamiye dibada jooga wuxuuna siyasada ANC ka gaday dunida oo dhan, isagoo albaab walba ka soo xidhay nidaamkii midab takoorka ku dhisnaa (Apartheid).

1991dii waxaa xilka la wareegay Mandela oo heshiiskii lagu dhisay dawladda Casriga ah ee South Africa lagalay cadaankii markii laga soo daayay xabsigii ugu dheeraa oo nin siyaasi ah uu ku jiro casrigan. Wuxuu xukunka kala wareegay xukuumadii cadaanka ahayd doorashadii uu xisbiga ANC ku guulaystay aqlibiyadda. Taariikhda Nelson Mandela si gooni ah ayaan uga sheekeyn doonaa.

Waxaa ku xigay oo qabtay hogaaminta xisbiga iyo madaxweynaha dalkaba Thapo Mbeke oo laba xilli ka dib ku wareejiyay madaxtinimada xisbiga oo noqday madaxweynaha talada dalka haya Mr. Jacob Zuma.

 

OMAR JIGJIGA/ SA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay