Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu si waxshinimo ah ula dhaqmeen qaar kamid ah siyaasiyiinta dhaliila habka ay kooxda TPLF tu umaamusho wadanka.

Sida xogta aan kuhelay ciidanka aan xishoonin ee wayaanaha ayaa ayaa si dhaqanka dowliga ah ka baxsan ula dhaqmay nin kamid ah siyaasiyiinta loogu aqoonta badan yahay guud ahaa wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Yonatan Tesfaye oo kamid ah madaxda xisbiga Plue Party ayaa lasheegayaa in xabsiga loo dhaadhiciyay kadib markay ciidanka wayaanuhu gurigiisa kusoo weerareen isla markaan si aan sharciga waafaq sanayn ula dhaqmay mas’uulka.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa sheegaya in laxidhay Yonatan Tesfaye kadib markuu taageeray argagixisada isla markaana bartiisa Facebook kusoo daabacay erayo kadhan ah taliska wayaanaha.

Kooxda TPLF ayaa sida aan lawada socono aan ogolayn in ay dadwaynuhu cabiraan aragtidooda waana arintaasu keentay in in xabsiyada ladhigo boqolaal dadwaynaha ree Ogadenia ah qaar badana waxay sababsadeen yar yarkiina.

Ciidamada gumaysiga ayaa dhowr bilood kahor gudaha wadanka Ogadenia ku dilay Ing: Faysan Cagjar kaas oo sida sheegay sababsaday qormo uu walaalkii Mustafe cagjar oo dalka dibadiisa ku maqan.

Sikastaba ha ahaatee siyaasigan laxidhay ayaa kiciyay dareenka kumanaan shacab ah kuwaas oo muujiyay dareen kooda wadani nimo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.