Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee gacanta Gumaysiga kujira ayaa sheegaya in ciidamada wayaanuhu ay shacabka Soomaalida Ogadenia ee aan waxba galabsanin ugaysteen dil, dhac iyo xidhay baahsan.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in ciidamada gumaysigu ay kordhiyeen dhibaataynta dadka shacabka ah ee ku dhaqan Ogadenia, tacadiyadii ugu dambeeyay ee nasoo gaadhayna waxay udhaceen sidan.

15/5/17 Tuulada Maraacaato oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidamada nacabka ah ee gumaysigu si jees jees ah ugu dileen wiil dhalin yara ah oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Anfac Cali Maxamad Gurxan.

15/5/17 Tukaalay oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka cabudhisku kusoo gabagabeeyeen 35 qays oo dad iyo duunyaba ay soo oodeen.

14/5/17 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu ku xidheen dadka kala ah
1 Canbo Yuusuf
2 Cabdifataax Xassan
3 Sahra oo magaceeda oo buuxda aanaan haynin.

14/5/17 Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle waxay ciidanka cadawgu ku xidh xidheen 8 gabdhood oo aan magaceeda kahelay Ridwaan Muxumad Xaashi.

14/5/17 Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen ninwayn oo lagu magacaabo Xassan.

13/5/17 Daawadiid oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 jowhar Sh mustafe oo 10 qof kakooban
2 kaamil Sh yuusuf
3 cabdi kaamil sh yuusuf
4 deeq kaamil sh yuusuf
5 nuur kaamil sh yuusuf
6 dheeg kaamil sh yuusuf
7 shugri faarax siyaad
8 cabdulaahi sh muxumad

dhamaan dadkan ayaa lala wareegay hantidoodii waxaana sidoo kale laxidh xidhay qoosaskoodii.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.