Wararka naga soo gaadhaya woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dab laqabad siiyay labo booyadood oo kuwa shidaalka qaada ah, kuwaas oo uraraa ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj ayaa jidka ugashay labo booyadood oo shidaal siday oo marayay xuduuda udhaxaysa wadanka Sudan iyo Gobolka Tigrey halkaas oo ay dab qabad siiyeen waardiyihii lasocdayna ay laayeen.

Warka ayaa intaas kudaraya in booyadaha shidaalka ah ee lagubay ay uga siidareen xaalada shidaal la’aanta ah ee kajirtay guud ahaan wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolka Tigrey oo ahaa midka ugu liita xaga helitaanka shidaalka baabuurta.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga ee ka agdhawaa deegaanka uu falku kadhacay ayaa ciidamo aad ubadan keenay deegaanka waxayna kudhaqaaqeen falal shacabka ka dhan ah iyagoo sida lasheegayo qaqabtay dad shacab ah oo aad ubadan.

Jabhadaha hubaysan ee kukacsan xukuumada wayaanaha iyo shacabka kacdoon wadayaasha ah ayaa wacad kumaray in ay laban laabi doonaan dhaq dhaqaaqooda si ay ugaadhaan guusha ay higsanayaan.

Sidoo kale ciidamada naflacaariga ah ee wayaanaha iyo taliska jaahwareersan ayaa sare uqaaday dhibaataynta shacabka aan waxba galabsanin iyagoo isku dayaya in ay cimri dheeraystaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.