Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Amnesty International ayaa bayaan kasoo saartay falkii foosha xumaa ee taliska wayaanuhu uu kula dhaqaaqay mas’uul katirsanaa xisbiga mucaaradka ah.

Hadalka qoraalka ah ee kasoo baxay hay’ada Amnesty International ayaa siwayn loogu dhaleeceeyay talaabada ay xukuumada wayaanuhu kaqaaday mas’uulkii katirsanaa xisbiga Samayawi Party kaas oo sida lasheegay bogiisa Facebook-ga kuqoray dhaliil uu soojeediyay kooxda TPLF.

Yonatan Tesfaye oo sida lasheegay kadhex muuqday bulshada Itoobiya iyo xisbiga Blue Party (Samayawi) ayaa xabsiga ladhigay isagoo waliba si aad ah loojidh dilay isla markaana lafeedha qaawiyay kadib markay ciidanka wayaanuhu kuweerareen guriga uu kadagan yahay Addis Ababa.

Hay’ada Amnerty ayaa taliska wayaanaha kulatalisay in ay siidayso mas’uulka u xidhan iyo guud ahaan dadka macna la’aanta jeelasha ugu jira waxayna hay’adu sheegtay in qofka bini’aadamka ah aan looqaban karin maxaad fikirkaaga uga hadashay, sidoo kale hay’ada Amnesty International ayaa xukuumada wayaanaha usheegtay in ay ilaaliso xoriyada hadalka.

Sidoo kale hay’ada Amnesty ayaa qoraalkeeda kusheegtay in ay Itoobiya tahay wadanka ugu liita dhinaca xoriyada hadalka iyadoo xabsiyada Itoobiya ay kuxidhan yihiin kumanaan fikirkooda cabiray.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaan wax rajo ah laga qabin in uu qaato soojeedinta lasiiyay waxaana la ogyahay in hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo dowladaha ree Galbeedkuba ay ay siiyaan talooyin wax ku’ool ah kuwaas oo dhamaantood noqda hal bacaad lagu lisay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.