Kulan hawleed leh ujeedo ah in la sahmiyo sida ay suurtogal u tahay inay isbahaysiyada Patriotic Gimbot 7 , PAFD iyo xoogagga kale ee ka soo hor jeeda dulmiga lagu hayo shucuubta Itoobiya ku hoos nool.  sidii loo soo dedejin lahaa burburinta nidaamka xukunka Tigreega ee dulmiga wajiyada badan ku haya shucuubta ku nool Itoobiya, ayaa lagu qabtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka 15ka ila 17ka bishan may ee 2017ka. Kulankan waxaa ka qayb galay ergooyin ka socday labada dhinac ee kala ah Patiotic Gimbot 7 iyo JWXO.Kulakani wuxuu qabsoomay iyada oo horay loogala tashaday labada isbahaysi ee JWXO iyo P_G7 ay ka kala tirsan yihiin.

Ergooyinka labada dhinac ka socday waxay ugu horayntii iswaydaarsadeen xogo muhiim ah, ka dibna waxaa la qiimeeyay, lagana dooday xaaladaha siyaasada, dhaqaalaha, iyo amniga ee nidaamka ku amar ku taagleeya Itoobiya, iyo dulmiga iyo tacadiyada wajiyada badan leh uu rajiimka kaligii taliska ah ee TPLF/EPRDF ku hayo shuucbta kala duwan ee hoos nool. .

Waxaa la isla qiray inay sii kordhayso dhibaatada ka aloosan guud ahaan Itoobiya, taasoo loo arkay musiibo wayn oo ku habsatay shucuubta Itoobiya iyo Gobolka Geeska Africaba.

Waxay labada dhinac isku raaceen, kana digeen in hadii aan wax laga qabanin dulmiga iyo arimaha murugada leh ee ka jira Itoobiya, ay ka dhalan karto musiibo bani’aadamnimo iyo mid siyaasadeedba, taas oo ku fidi karta guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Waxay labada dhinac garwaaqsadeen in loo baahan yahay in si wadajir ah loo dejiyo barnaamijyo dhamaysiran oo lagu beegsanhay in lagu soo afjaro masiibooyinka iyo dulmiga nidaamka tigreegu ku hayo shucuubta ku hoos nool Itoobiya.

Waxay labada dhinac isla qaateen inay qayb libaax ka qaadan doonaan, sidii loo amboqaadi lahaa in la dhiso nidaam loo wada jiro ooy isbahaysida jira iyo xoogagga kale si waxkuool ah ugaga wadaxaajoon karaan qaabka ugu haboon uguna watarka badan in lagu beegsan karo in la soo afjaro dhibaatooyinka ay tigreegu ku hayaan shucuubta Itoobiya, xal waarana keeni kara..

Waxay sidaas oo kale labada dhinac isla garteen in la sahamiyo dadaalna loo galo sidii loo dejin lahaa qorshayaal looga bixi karo dhibaatooyinkan, laguna yagleeli karo saldhigga kaabayaasha asaasiga ah ee dawlad ku meel gaadh ah oo ku dhisan Dimuqraadiyad ,cadaalad ilaa heer aayo ka tashi oo xor ah.

Labada dhincba waxay wada cambaaraynayaan taliska Itoobiya, waxayna ugu baaqayaan in ay joojiyaan xasuuqa ay ku hayaan shacbuuta kala duwan.Waxaa kale ooy wax garadka, iyo dhamaan xoogagga la dagaalamaya gumaysiga Itoobiya ugu baaqayaan inay isu yimaadaan si ay awoodooda u mideeyaan ugana wadatashadaan sidii xukunka looga tuuri lahaa xukuumada TPLF ee dulmiga ku dhisan..

Waxay JWXO iyo Pariotic7 baaq u dirayaan bulshada caalamku inay garab istaagto shucuubta dulman ee ku hoos nool Itoobiya, ayna ku kaalmeeyso dadaalka xaqa ah eey shucuubtani ugu jirto siday u soo afjari lahaayeen dulmiga nidaamka Tigreegu ku hayo..

Gabagabadii waxay labada dhinac ku booriyeen ciidamada Itoobiya,kuwa nabad-sugida iyo booliiska inay joojiyaan xasuuqa,cadaadiska, iyo dilka ay ku hayaan dadkooda iyo ku xadgudubka xuquuqda walaalahooda dulman ee xaqooda u halgamahaya.Waxayna ku dhiiri galiyeen in ay garab istaagtaan una hiiliyaan dadkooda dulman.

May 17, 2017 Frankfurt Germany.

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.