Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus oo ciidanka Wayaanaha iyo kuwa xornimo udagaalanka ah ee Axmaarada dhex maray.

Sida warka aan kuhelayno dagaalda ayaa maalin nimadii shalay ahayd kadhacay galbeedka Gobolka Gonder ee dhulka Axmaarada halkaas oo sida lasheegay uu kadhashay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

Warka ayaa intaas kudaraya in ciidanka Jabhada Gimbot 7 ay weerar kuqaadeen fadhiisino ay ciidanka wayaanuhu kulahaayeen galbeedka Gonder halkaas oo sida lasheegay ay qudha kaga jareen 13 askari oo kuwa taliska wayaanaha ka amar qaata ah halka tiro kalana laga dhaawacay.

Afhayeen uhadlay jabhada Gimbot 7 ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuguulaystay howlgalkan oo mudo laqorshaynayay, wuxuuna afhayeenku intaaskudaray in ay xoog kujabsadeen dhufaysyo waawayn oo ciidanka wayaanuu ay lahaayeen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in ay weerarkan ugu aargudayeen dadka deegaanka oo dhibaato badan loogaystay waxayna shacabku soo dhaweeyeen ayuu yidhi dharbaaxada loogaystay ciidanka gumaysiga.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay tacadiyo badan oo aargoosi ah ugaysteen dadka shacabka ah ee kudhaqan deegaanada ay dagaaladu kadhaceen, waana mid kamid ah dhaqanka wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.