Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta gumaysiga Wayaanaha kujira ayaa sheegaya in ciidanka gumaysigu ay maxaabiista uxeraysan ugaystaan dhibaatooyin kala duwan oo dil iyo jidh-dil ba isugu jira.

Sida xogta aan kuhelay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay dagmada Shashabane ayaa ciqaab kala duwan ugaystay dadka shacabka ah ee ugu jira jeelasha magaalada gaar ahaan xabsiga dhexe ee Dagmada.

Dadka maxaabiista ah ayaa sida lasheegay lagu shaqeeyaa oo dhismo iyo dhul falidba looga faa’iidaystaa, waxaana sidoo kale loogaystaa jidh-dil aad ubadan iyo waliba dil qudh gooyo ah oo aan xisaab lahayn.

Dadka deegaanka ayaa lasheegayaa in ay falalkan noocan ah ee maxaabiista lagula kacay kadhiidhiyeen waxaana lasoo warinayaa in ay bilaabeen kacdoon kadhan ah taliska wayaanaha iyo ciidamadooda dhaqanka xun.

Dhinaca kale horaantii todobaadkan ayay ciidanka wayaanuhu weerar kuqaadeen goob ay shacabku kudhiganayeen xaflad dhaqameed oo kutaalada galbeedka Gobolka Shawa halkaas oo sida lasheegay ay kusoo qaqabteen 15 qof oo xaflada joogay.

Dadka kudhaqan Gobolka Shawa oo arintan ka falcelinaya ayaa lasheegayaa in ay bilaabeen kacdoon saamayn badan kuyeeshay dhaq dhaqaaqa Gobolka.

Sikastaba ha ahaatee guud ahaan dadwaynaha Oromada ah ayaa wacad kumaray in ay iska tuuraan heeryada gumaysiga ee ay kuhaysto kooxda aadka utirada yar ee TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.