Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay Jabhada Gimbot 7 tababar usoo xidhay ciidankii ugu badnaa ee abid ay kutababarto gudaha Gobolka Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelay saraakiisha Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj ayaa gudaha Gobolka Axmaarada kuqabatay xaflad balaadhan oo tababar loogu soo xidhayay dhowr kun oo kamid ah ciidanka Jabhada Gimbot 7 ee kadagaalanta dhulka Xabashida.

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen xubno kasocday golaha dhexe iyo gudida fulinta ee Jabhada Gimbot 7 ayaa muujinaysa tabar yaradi ciidanka wayaanaha oo awoodi waayay in ay is hortaagaan ciidanka intaas la’eg ee gudaha wadanka kutababaranaya iyo waliba xaflada xidhitaanka tababarka oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah madaxda Jabhada.

Afhayeen u hadlay jabhada Gimbot 7 ayaa sheegay in ciidanka tababarka loosoo xidhay labaray qaybaha kala duwan ee ciidamada labaro sida, afantariga, gaadiidka, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo qaybo kale oo kamid ah kuwa ciidamada labaro.

Sidoo kale afhayeenka ayaa dadka udhashay qoomiyada Axmaarada ugu baaqay in ay gabi ahaanba hubka qaataan si loo cimri dadajiyo taliska wayaanaha ee talada wadanka xooga kuhaysta mudada rubuc qarniga kabadan.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa aad uga walaacsan ciidamada tirada badan ee tababarka loosoo xidhay iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj oo kulan kuyeeshay wadanka Germany.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada kooxda TPLF oo awalba aan rajo wayn kasii lahayn talada wadanka isla markaana umaaro la’ayd ciidanka xooga dalka Ogadenia ayaa quus istaagtay kadib markay ogaadeen in ciidan badan ay soo tababaratay Jabada Gimbot 7.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay