Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu xabsiga utaxaabeen qoraagii ahna milkiilihii joornaalka caanka ah ee lagu magacaabo Nagere Ethiopia Getachew Shifaraw.

Sida warku sheegayo ciidanka gumaysiga oo amar kahaysta taliska wayaanaha ayaa gurigiisa kuweeraray milkiilaha wargayska aadka loogu xidhan yahay ee Nagere Ethiopia Mr Getachew.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka gumaysigu jidh dil aad uwayn ugaysteen wariye Gerachew Shifaraw oo kamid ah shakhsiyaadka ugu caansan wariye yaasha sida aan gabashada lahayn dadwaynaha ula wadaaga xaqiiqada jirta.

Wariye Getachew ayaa lasheegayaa in lageeyay maxkamad kusheeg kutaala magaalada Addis Ababa halkaas oo xaakimku uu ka akhriyay dacwada loohaysto Wariye Gerachew wuxuuba xaakim kusheegu sheegay in uu Getachew yahay shakhsi argagixiso ah isla markaana uu xukunkiisu dhici doono maalin nimada Jamcada ah ee 26da bishan.

Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Amnesty International ayaa siwayn u cambaaraysay falka foosha xun ee ciidamada wayaanuhu ay kula dhaqaaqeen joornaalaystaha waxayna hay’adu taliska wayaanaha ugu baaqday in ay si dhakhso ah usoo daayaan wariyaha.

Sidoo kale ururka suxufiyiinta Itoobiya oo dhawr jeer oo hore cambaareeyay xad gudub yada ay ciidanka wayaanuhu ugaystaan warbaahinta madaxa banaan iyo wariye yaasha kashaqeeye ayaa hadana cambaareeyay falka foosha xun ee lagu soo xidhay wariye Getachew.

Sida aan horaanba idiinkusoo tabinay waxaa wadanka gumaysiga Itoobiya kabaxsaday 26 wariye oo ushaqany jiray warbaahinta kala duwan, sidoo kale waxaa xabsiyada ladhigay tiro intaas kasii badan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay