Waxaa kulan muhiima isugu yimaaday maamulka jaaliyada Ogadenya ee wadanka koonfur afrika iyo hawul wadeenada ururka haweenka Ogadenya UHO waxay ka wada hadleen sidii loo dar dar galin lahaa abaabulka iyo hawlaha guud ee jaaliyada koonfur afrika.

Shirka ayaa furay gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya wadanka koonfur afrika mudane mohamed Daahir wuxuu jeediyay qudbad ku saabsan halganka Ogadenya iyo in haweenka Ogadenya ay yihiin laf dhabartii halganka una istaagaan kaalintii looga baahnaa inay halganka ka qaataan.

Waxaa kale shirka ka hadlay Mudane Xildhibaan Abdirashiid sheekh Mohamed oo kula dar daarmay dhamaan hawul wadeenada ururka inay si dhaba ugu istaagaan abaabulka bulshada iyo kaalin tii looga bartay hooyooyinka Ogadenya waxaa kale oo ka hadlay hogaanka warfaafinta ururka haweenka Ogadenya ee heer aduunka marwo kawsar oo ayaduna dhankeeda ka hadashay inay diyaar u yihiin inay kasoo dhalaalaaan kaalintii halganka Ogadenya ku lahaayeen.

Shirka ayaa wuxuu gabagabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo abaabulka bulshada ee halganka Ogadenya.

Midtid midnimo iskutashi Guul Allaahu AKbar.

ONA/k.Afrika

  

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay