Warbixin ay soo saartay hay’ada Xaquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa looga hadlay hub aad u badan oo la sheegay in militariga Maraykanka geeyey dalalka Ciraaq iyo Kuwait la waayey meeshii ay ku danbeeyeen.

Xogtan ayey Amnesty kasoo xigatay kaydka Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka oo arrintan baadhitaan ku waday sanadkii hore. Amnesty ayaa ku caadaadisay Maraykanka inay xogtan fasaxaan sida uu qabo sharciga wadanka Maraykanku.

Saanadan Militari ayaa la sheegay inay isugu jiraan hubka fudud iyo kuwa culus oo ay ku jiraan hoobiyayaal iyo gaadiid Ciidan oo uu Maraykanka geeyey dalka Ciraaq si loogu tababaro ama loogu kabo xoogaga dowlada Ciraaq iyo ciidamada Kurdida. Warbixintan ayaa diirada saareysay in dowladaha waaweyn ee caalamka ee hubka soo saara ay laftooda qeyb ka yihiin hubka faraha badan ee lagu geysto danbiyada caalamka ka dhaca.

Xogtan horey sirta u ahayd ayey ka muuqatay in Militariga Maraykanka diiwaankiisa hubka gacantooda kujira gaar ahaan kuwa la geeyo dalalka ay dagaalada ka socdaan uu yahay mid khaladaad badan ku jiraan sababna u ah in la waayo meeshii ay ku danbeeyeen hubkaasi oo qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan 1.6 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Amnesty ayaa walaac ka muujisay in qeyb kamid ah hubkaasi laga yaabo inay gacanta u gasho kooxaha xagjirka ah sida Daacishta ka dagaalameysa Ciraaq iyo Suuriya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay