Sida ay kusoo waramayaan Wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa sheegaya in qaraxyo lala beegsaday Arbacadii goob basaska laga raaco oo ku taala magaalada Jakarta ee caasimada wadanka Indonesia taas oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 askari oo boolis ah, waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo shacab ah.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyey, waxaana qaraxyada u dhaxeeyey daqiiqado kooban, sida ay sheegeen dad goobtaasi ku sugnaa. Booliska ayaa tuhunsan inay weerarkan ka danbeyso koox lala xidhiidhiyo Daacishta qaarada Aasiya, waana weerarkii ugu weynaa oo dalka Indonesia ka dhaca tan iyo sanadkii 2016.

Sanadkii hore ayey koox hubeysan oo ka tirsan Daacish weeraro ku qaadeen suuq ku yaala meel u dhaw safaarada Maraykanka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 4 qof oo dabley ah iyo 4 qof oo shacab ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay