Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo waramama arimaha wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay qoomiyada tirada yar ee Tigreegu suxulduub ugu jiraan sidii ay uheli lahaayeen dhul kabadan midka ay hada haystaan.

Sida uu wariyuhu sheegayo uruka matala qoomiyada Tigreega ee TPLF ayaa bilihii ugu dambeeyay aad mashquul ugu ahaa sidii uu qoomiyada Tigreega ugu gacan galin lahaa dhul, hub iyo hanti kale oo aad ubadan taas oo laga qaadayo dadyowga lagumaysto.

Arintan ayaa lasheegayaa in ay timid kadib markay kooxdu garowsatay in siwayn looga horyimid taladoodii isla markaana wadanku uu sifiican cagta usaaray wadadii burburka, dhinaca kale kooxda TPLF ayaa lasheegayaa in ay garwaaqsadeen in aan la loodin karin awooda shacabka ee sida wabigii soo fatahday.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay kooxdu xili xaadirkan mashquul kutahay sidii qaybo kamid ah dhulka Canfarta ay gacanta ugu galin lahaayeen qoomiyada Tigreega, sida warku sheegayo saraakiisha Tigreega ayaa Gobolka Tigreega kudaray Dagmada Ba’ila oo Gobolka Canfarta katirsan.

Dhinaca kale shacabka Gobolka Canfarta kudhaqan ayaa lasheegay in ay sifiican uga dhiidhiyeen falkan qaybo dhulkooda kamid ah loogu gacan galinayo qoomiyada Tigreega.

Kooxda TPLF ee ku fashilantay talada wadanka ayaa isku dayaysa in ay hantida iyo dhulka qoomiyadaha kale siiso qoomiyada Tigreega si ay burburka kadib isu anfacdo qoomiyada tirada yar ee Tigrey.

Sikastaba ha ahaatee qoomiyadaha lagumaysto ee Itoobiya kudhaqan ayaa umuuqda kuwo siwayn ula socda dhagaraha ay sarkiisha wayaanuhu dhigayaan iyo isku dayga qoomiyada Tigreega.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay