Baadhitaan ay sameeyeen dhowr hay’adood oo kuwa bini’aadam nimada kashaqeeya ah ayaa lagu ogaaday in ay guud ahaan wadanka Itoobiya wali macaluul la ildaran yihiin 7.4 milyan oo qof kuwaas oo aan haysanin cuno iyo biyo nadiif ah toona.

Warbixin ay soosaareen hay’aduhu ayaa lagu sheegay in Gobolka Ogadenia ee Itoobiya ay gumaysato uu yahay midka ugu daran ee dadku shacabka ah ee tabaalaysan ay kunoolyihiin, sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in dadka kudhaqan Ogadenia aysan haysanin wax kaalmo bini’aadam nimo ah.

Dhinaca kale hay’ada caafimaadka aduunka ee magaceeda loosoo aabiyo WHO ayaa sheegtay in wadanka Ogadenia ay kajiraan cuduro kala duwan oo galaaftay nolosha dad shacab ah oo aad ubadan kuwaas oo intooda badan ay kunoolaayeen dhulka miyiga ah ee Ogadenia.

Sidoo kale hay’ada WHO ayaa sheegtay in cudurka shuban biyoodku uu Ogadenia kudilay in kabadan 700 oo qof, hase yeeshee mas’uuliyiinta Jabhada ONLF ayaa sheegaya in ay tirada dhimatay aad ugu badan tahay inta ay WHO sheegtay.

Warbixin ay horaantii bishan soosaartay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa lagu sheegay in ay Ogadenia kudhinteen tiro dad ah oo dhowr jeer kabadan mida WHO ay soosaartay isla markaana ay tiro aad ubadan kasoo kabteen xanuunkii kudhacay.

Dhinaca kale hay’adaha xuquuqul insaanka udooda iyo qaar kamid ah dowladaha ree galbeedka ayaa xukuumada wayaanahaku eedeeyay in ay jeebkooda kushubteen deeqihii loogu talo galay dadka shacabka ah ee Itoobiya kutabaalaysan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay