Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee lagumaysto ayaa sheegaya in ciidanka gumaysigu ay dhibaatooyin kala duwan ugaysteen dad shacab ah oo kudhaqan meelo kamid ah Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ONA uga soo warama xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya in ciidanka nacabku ay xidhay, dhac iyo jidh-dil baahsan ugaysteen dad shacab ah oo aan waxba galab sanin wuxuuna falku udhacay sidan.

21/5/17 Dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo mooraduug isugu dareen dadka kala ah Axmadtaajir Maxamad Afdacar oo 9 qays kakooban, cismaan Cumar Khaliif iyo Maxamad Qalalaas, dhamaan dadkan waxaa laga xareeyay hantidoodii iyagana waa la xidh xidhay.

22/5/17 Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh-dil isugu dareen
1 maxamad muxumad cabdi
2 yuusuf gaade galdaas.

23/5/17 Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo jidh-dil ugu gaysteen gabadha lagu magacaabo Roodo Cabdulaahi Faatule.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay