Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu sare uqaadeen dhibaatooyinkii ay kuhayeen shacabka Soomaalida Ogadenia ee mudada dheer kuhoos jira gumaysiga madow ee Itoobiya.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in ciidanka wayaanaha iyo kooxda gumaysiga u adeegta ee Soomaalida ah ay amar kubixiyeen in qays kasta oo xoolo dhaqata ah uu iska soo xaadiriyo magaalooyinka iyo tuulooyinka si loola socda dhaq dhaqaaqa dadka shacabka ah.

Fikradan katimid gumaysiga ayaa imanaysa kadib markii taliska wayaanuhu uu iska dhaadhiciyay in xoolaha nool ee Ogadenia kudhaqan ay kaalin wayn kuleeyihiin halganka kasocda Ogadenia, hase yeeshee waxaa gumaysiga kamaqan in halganku uu yahay qori isudhiib ayna wadaan dadka ree Ogadenia ee kudhaqan miyi, magaalo, gudaha iyo dibadaba. Warka ayaa intaas kudaraya in shacabku ay iska diideen amarka qalafsan ee gumaysigu saaray taas oo keentay in xabsiyada ladhigo dad badan oo xoolo dhaqato ah.

Dhinaca kale ciidamada wayaaaha ayaa lawareegay gaadiid aad ubadan oo uraraa Gobolada Doollo, Qoraxa iyo Shabeelle kuwaas oo iyaga iyo wixii saaraaba ay dajisteen ciidanka cadawgu. Warka ayaa intaas kudaraya in 23/5/17 Gaashaamobari lagula wareegay gaadiidkan oo ka koobnaa 24 baabuur oo uraraa Gobolada aan kor kusoo xusnay magacooda.

Ganacsatada baabuurtan lahayn ayaan magacyadooda kahelay Xabiiba Maxamuud Sheekh oo 1 baabuur oo Qabridahare uraraa lahayd iyo Khadar Cabdulaahi oo 4 baabuur oo Goday uraraa lahaa.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada gumaysiga Itoobiya ee lagu ababiyay wax yeelaynta shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa wadanka Ogadenia kagaysta dhibaatooyin kala duwan oo si cadawnimo ah loogu samaynayo shacabka Ogadenia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay